Deg Deg: Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo xilka laga qaaday

0
Wednesday January 15, 2020 - 11:39:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg: Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo xilka laga qaaday

    Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in Xaaf xilligana uusan ka qaadi karin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in Xaaf xilligana uusan ka qaadi karin

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay soo saarey warqad uu ku sheegay in uu xillakii ka qaadey mas’uuliyiinta Maamulka degmada Gaalkacyo,isla markaana uu kala direy Golaha deegaanka degmadaas,hayeeshee qaar kamid ah mas’uuliyiinta Magaalkada Gaalkacyo ay kasoo horjeesteen.

 

Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay in xilka qaadista Madaxweyne Xaaf aan waxba ka jirin,isla markaana saga uu yahay Guddoomiyaha saxda ah ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.




Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in Xaaf xilligana uusan ka qaadi karin wax xil ah una dhiibi karin,isla markaana uu weli yahay Duqa degmada Gaalkacyo Inta laga soo dooranayo Guddoomiye Cusub.

 

Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre haatan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,isaga oo shalay kamid ahaa mas’uuliyiintii soo dhaweeyey musharax Qoorqoor oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageereyso.

Loading...
Loading...