Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Diwaan Gelin Lagu Wado Ciidamada Federaalka Ah

0
Friday March 29, 2019 - 18:16:06 in News by
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Diwaan Gelin Lagu Wado Ciidamada Federaalka Ah

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Diwaan Gelin Lagu Wado Ciidamada Federaalka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Diwaan Gelin Lagu Wado Ciidamada Federaalka Ah


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa wali ku hawlan diwaan gelinta ciidamada kala duwan iyada oo ay jiraan gadood ay samaynayaan ciidamada oo ka cabanaya mushahar la,aan.




Dawlada federaalka ah ayaa haatan u muuqata inay ku taagan tahay qorshihii ay ku doonaysay inay ku ogaato tirada rasmiga ah ee ciidamada.


Wasiirka maaliyada soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa kormeer ku sameeyey goobaha ay ka socdaan diwaan gelinta ciidamadu isaga oo cadeeyey in dawladu ay ku hawlan tahay dib u habaynta waaxda amniga.



Wasiir Bayle oo ka hadlaya ujeedada kormeer uu ku tagay goobo lagu diwaan geliyo ciidamada booliska ayaa waxa uu yidhi:-


Maanta mas'uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxay ay sii wadeen diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed magaalada Muqdisho. Dib-u-habeynta waaxda amniga ayaa ah muhiimadda ugu weyn ee lagu gaari karo hadafkeena Qaran iyo mustaqbalkeena si aan ugu adeegno dalkeenna.



Hannaanka diiwaangelinta ciidamada qalabka sida waa dadaal wadajir ah oo ay hogaaminayaan wasaarado kala duwan iyo xafiiska Ra'iisul Wasaarada. Si wadajir ah, waa innaa ugu adeegaanaa dadkeena.

Loading...
Loading...