Maxaad Ka Ogtahay Shanta Dal Ee Africa Ugu Saboolsan Ama Ugu Dhaqaalaha Yar.

0
Wednesday January 15, 2020 - 08:12:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Ogtahay Shanta Dal Ee Africa Ugu Saboolsan Ama Ugu Dhaqaalaha Yar.

    1. South Sudan (jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan) Waxay xorriyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. South Sudan (jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan) Waxay xorriyadda ka qaadatay Jamhuuriyadda Suudaan sanadkii 2011, taasoo ka dhigaysa dowladdii ugu dambaysay ee madax-bannaan oo leh aqoonsi caalami ah Caasimaddeeda waa Juba.

 

Koonfurta Suudaan waxay xuduud la leedahay  Suudaan dhanka waqooyi, Itoobiya dhanka bari, Kenya dhanka koonfur-bari, Ugaandha dhinaca koonfur, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo illaa koonfur-galbeed iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika illaa galbeedka. Koonfurta Suudaan waxay noqotay waddan madax-bannaan 9-kii Luulyo 2011, ka dib markii 98.83% ay taageereen madax-bannaanida aftidii January 2011-kii waxay lakulantay dagaalo sokeeye tan iyo 2013 oo ayku dhinteen dad lagu qiyaasay 400,000 oo qof halka ay barakaceen dad lagu qiyaasay 4 Million, Koonfurta Suudaan waxaa ku nool 12 milyan, dhaqaalaha (GDP per capita) ee dalka south sudan waxa lagu qiyaasa $237.44 qofkiiba taaso ka dhigaysa wadanka ugu saboolsan qaarada Africa

 

2.    Burundi waxa ku nool dad lagu qiyaaso 10.86 million,waxayxornimada qaadatay 1962, Waxaa xaduud la leedahay Rwanda xagga woqooyi, Tansaaniya dhinaca bari iyo koonfur-bari, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo dhinaca galbeed; Harada Tanganyika waxay ku taal xadka koonfur-galbeed, Caasimadda dalka burundi waa Gitega,

 Dhaqaalaha Burundi wuxuu si aad ah ugu tiirsan yahay qeybta wax soo saarka beeraha kaas oo wax ku biiriya 54% GDP-ga dalka iyo 70% xoogga shaqaalaha. Nasiib darrose, dhaqaalaheedii ayaa wali curyaan ah iyada oo ay ugu wacan tahay waaxda wax soo saarka ee horumarsanayn, ilaha aan ku filnayn, sharciga oo daciif ah, iyo ku-takrifal dhaqaale.


Ku dhowaad laba dagaal oo sokeeye iyo xasuuq ayaa ka dhacay sannadihii 1970-yadii iyo mar kale 1990-yadii waxay dhaqaaluhu ka dhigeen mid aan kobcin oo dadkuna ay ka mid yihiin kuwa ugu saboolsan adduunka.

Dhaqaalaha  (GDP per capita) ee dalka Burundi waxa lagu qiyaasa $292.01 qofkiiba taaso ka dhigaysa wadanka labaad ee ugu saboolsan qaarada Africa.

 

3.     Republic of Malawi waxa ku nool dad lagu qiyaaso 18.62  million,waxay xornimada qaadatay July 6, 1964 waa wadan kuyaala koonfur bari qaarada afrika waxa hore loogu yeeshi jiray (Nyasaland). Waxay xuduudo la wadaagtaa Zambia dhanka waqooyi-galbeed, Tansaaniya dhinaca waqooyi-bari, iyo Mozambique xagga bari, koonfurta iyo galbeedka. Caasimaddeeda waa Lilongwe waana Wadanka seddexaad ee ugu saboolsan qaarada Afrika, Malawiansku waxay inta badan ku tiirsan yihiin waaxda beeraha taas oo wax ku kordhisa in kabadan 70% GDP dalka. Intaas waxaa sii dheer, tirada ugu badan ee Malawianka ah waxay ku nool yihiin meelaha miyiga ah, taas oo beeraha ka dhigaysa waxqabadka dhaqaale ee ugu badan ee dalka. In kasta oo dowladda Malawi ay dadaal badan gelineyso sidii loo hagaajin lahaa dakhliga dhoofinta ee dalka, waddanku wuxuu wali la kulmayaa caqabado dhowr ah oo ay ka mid yihiin nidaam waxbarasho oo aan ku filneyn, daryeel caafimaad oo liita, faafitaanka HIV / AIDS, nabaad-guurka ballaaran, kaabayaasha liita, iyo heerka musuqmaasuqa oo sarreeya. 
Dhaqaalaha  (GDP per capita) ee dalka Malawi waxa lagu qiyaasa $338.48 qofkiiba taaso ka dhigaysa wadanka sadexaad ee ugu saboolsan qaarada Africa

 

 

 

 

4.     Niger waxa ku nool dad lagu qiyaaso 21.48 million waxay xornimada qaadatay  August 3, 1960 waxaa xuduudo laleh Libya waqooyi-bari, Chad dhanka bari, Nigeria dhanka koonfureed, Benin ilaa koonfur-galbeed, Burkina Faso iyo Mali dhanka galbeed, iyo Algeria dhanka waqooyi-galbeed. 
 Niger waxaa loogu magacdaray wabiga Niger dalku wuxuu leeyahay awood macdaneedyo aad u weyn iyo  waaxda beeraha oo firfircoon. Dhaqaalaha waxaa sii xoojiya mugga sare ee wax soo saarka gudaha iyo dhoofinta dibedda. In kasta oo heerarka waxsoosaarkoodu sarreeyo, haddana waddanku ma uusan gaadhin koboc dhaqaale oo heerkiisu sarreeyo Dhaqaalaha  (GDP per capita) ee dalka Niger waxa lagu qiyaasa  $378.06 qofkiiba taaso ka dhigaysa wadanka afaraad ee ugu saboolsan qaarada Africa.
 
5.      The Central African Republic (Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika) waxa ku nool dad lagu qiyaaso 4.659 million waxay xornimada qaadatay  13 August 1960 Waxaa xaduud u ah Chad dhanka woqooyi, Suudaan waqooyi-bari, Koonfur Suudaan dhanka bari, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo dhanka koonfureed, Jamhuuriyadda Koongo dhanka koonfur-galbeed iyo Cameroon xagga galbeed.
Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika waa mid ka mid ah waddamada Afrika ee ay soo martay waqtiyo adag oo sannado dagaal ah dhaqaalihii dalka waxaa daciifiyey muddada dheer ee xasillooni darro siyaasadeed ah, Inkastoo awoodda macdanta iyo alwaaxda ee dalka waa ay tahay fursad wanaagsan oo lagu kicin karo dakhliga qaranka hadana waxa meel aad u saraysa maraya musuqmaasuqa.
 Dhaqaalaha  (GDP per capita) ee dalka  Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika waxa lagu qiyaasa $ 418.41 qofkiiba taaso ka dhigaysa wadanka shanaad ee ugu saboolsan qaarada Africa.
 
By: MohamedNasri Ahmed Omar
Email: [email protected]
 

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...