Anfariirka Nagu Dhacay, Amarka Eebbe Ma Ahee, Aqqn Gaabni Weeyaan.

0
Wednesday January 15, 2020 - 08:07:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Anfariirka Nagu Dhacay, Amarka Eebbe Ma Ahee, Aqqn Gaabni Weeyaan.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

                    

ADUUNYADA DADBA JIRA, ADMIGGA LA NOOLUUN,

ARWAXODU MUUQDOON,UURKOODU MAQANYAY,

OOMANAHA JIILAAL,AWRTIYO DHAANKA LOO RARAY,

AYDAA QAAR FADHISTAN,AGGAAMAHA KA JEBIYAAN,

 

ODHAAHDA IYO HADALKANA,ISLAAMBA LA MOODAA,

IFAFAFAALAHOODUNA,AWLAADA WEEYE SHAYDAAN,

AXDI KAMA FULAYOO,AMAANIYO DULQAAD MA LEH,

WAXAASE KABA AYAAN DARAN,UMADAY U TALIYAAN.

 

ANFARIIRKA NAGU DHACAY,AMARKA EEBBE MA AHEE,

AQOON GAABNIDEENII,MAANT TAHAY AF KALA QAAD,

AQOONSI HAYGA JOOGEE,AMAANKIINA MA WEYDEEN,

AFKA TAAG INDHAHA DADAB,U SOO XIDHO ALBAABKO.

 

AWOODII TOGDHEERIYO,AWDAL IYO SANAAG BARI,

AASHOOD DHAQAAQOO,IDILKOODBA GOOSTEE,

ISXIDHYO MADAARKII,ISNA OODDA LOO ROGAY,

ILLAAHAY INTUU BADAY,EEGATADU HA JOOGAN.

         ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...