Ujeedada Heshiis Ay Kala Saxeexanayaan Maanta Maraykanka Iyo Shiinuhu

0
Wednesday January 15, 2020 - 07:56:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Heshiis Ay Kala Saxeexanayaan Maanta Maraykanka Iyo Shiinuhu

    WASHINGTON. D.C — Labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASHINGTON. D.C — Labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee kala ah Mareykanka iyo Shiinaha, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Arbaca ah kala saxiixdaan heshiis ganacsi.

 

Inkasta ay jirto boqollaal bilyan oo dollar oo canshuur kordhin ah oo labada dhinac isugu jawaabeen, haddana heshiiska maanta qeyb kama noqon doonto khafiifinta tacriifta labada dhinac ay dul-dhigeen badeecadaha ay isu dhoofiyaan.

 

Canshuur kordhinta ayaa sideeda sii ahaan doonto ilaa laga gaaro doorashada madaxtinimada Mareykanka ee uu bisha November madaxweyne Donald Trump kula tartami doono musharraxa kai man doona xisbiga dimoqraadiga.

 

Wajiga koowaad ee heshiiska labada waddan ayaa waxaa ugu weyn in Shiinaha uu muddo kooban iibsado miraha iyo wax soo saarka ka yimaada Mareykanka. Faah-faahinta kale ee heshiiska ayaa soo bixi doonta marka ay saraakiisha labada dhinac maanta ku saxiixaan Aqalka Cad ee magaaladan Washington.

 

VOA


Loading...
Loading...