BBC-da Oo Baaritaan Ku Sameysay Muslimiin La Dhibaateeyay

0
Wednesday January 15, 2020 - 07:47:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BBC-da Oo Baaritaan Ku Sameysay Muslimiin La Dhibaateeyay

    Tan iyo sanadkii 2017-ka, kumanaan Muslimiin ah ayaa lagu xiray dalka Shiinaha,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo sanadkii 2017-ka, kumanaan Muslimiin ah ayaa lagu xiray dalka Shiinaha, kuwaasoo dowladda dalkaas ay sheegtay in ay ku xareysay xeryo wax lagu barto.

Qaar kamid ah dadkaas oo dib ugu laabtay dalka Kazakhstan ayaa BBC-da u sheegay in bilihii ay xirnaayeen la jirdilay, la garaacay, sidoo kalena lagu duray irbado aanay garaneynin waxa ay yihiin.



Dadka Muslimiinta ah ee loo yaqaano Kazakhs, Uighurs iyo Muslimiinta kale ee laga tirade badan yahay ayaa qarniyo si xor ah ugu noolaa xadka dalalka Shiinaha iyo Kazakhistan, haseyeeshee tashkiilinta iyo dhibaateynta xukuumadda Beijing ay ku heyso dadka Muslimiinta ayaa sidoo kale u gudubtay dalalka deriska ah, waxaana haatan lagu eedeeyay in shacabka dalka ay deriska yihiin ee Kazakhistan ay gaartay dhibaatadaas.


"Ninkeyga wuxuu xadka ka gudbay dhamaadka sanadkii 2017-ka, wuxuuna u tallaabay dhanka Shiinaha, waana la xiray, sababta loo xirayna waxay ahayd in taleefoonkiisa gacanta uu ku isticmaalo aaladda Whatsapka, Shiinaha waxay kala fogeeyeen caruur iyo aabahood," ayay tiri Gulnu oo ah haweeney heysata diinta Islaamka, seygeedana lagu xiray xeryaha dalka Shiinaha.


Dowladda Shiinaha ayaa xeryo ku yaala Xinjiang ku heyso malaayiin Muslimiin ah oo ay kamid yihiin Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighurs iyo Muslimiinta kale ee Kasakhistan, waxaana BBC-da ay ogaatay in dadkaas ay ku jiraan xeryo ku yaala galbeedka dalka Shiinaha.


Dowladda Shiinaha ayaa mar walba ku andacoota in xeryahaas ay yihiin kuwa dadka wax lagu baro, dadka yimaadana ay si iskood ah u yimaadaan, haseyeeshee dadkii halkaas kasoo baxay ayaa sheegay in xaaladda ay sidaas ka duwan tahay.


"Afaafka hore ee xeryahaas waxaa lagu qoray in ay yihiin iskoolo loo dalxiis tago, balse xaqiiqda sidaas ma ahan, oo halkii aan joogay waxay ahayd xeryo, waxay ahayd xabsi," ayay tiri Gulzira oo xeryahaas ku jirtay shan iyo toban bilood


Dad badan oo kasoo baxay xeryahaas oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in marka la geliyo xeryahaas qofka laga qaado waxwalba oo uu wato, kadibna la geliyo xabso dhulka hoostiisa, halkaasina ay in muddo ah ku jirayaan.


Qaar kale ayaa sheegay in markii ay xabsiga kasoo baxeen ay Dowladda Shiinaha ku shaqeysatay, kadibna aanan wax mushaar ah lasiinin.

Dadka Muslimiinta ah ee xeryahaas la geeyay ayaa sheegya in la isku dayay in la tashkiiliyo, balse qaar badan oo kamid ah waxay shegeen in wali ay ku dhagan yihiin diinta Islaamka iyo dhaqankii ay heysteen.


Dowladda Shiinaha ayaa mamnuucis garka iyo xijaabka ah horay ugu soo rogtay gobolka ku yaalla galbeedka fog ee Xinjiang, wax lagu tilmaamay olole lagula dagaallamayo islaamiyiinta xagjirka ah.

Talaabooyinkan waxaa ku jira in la mamnuuco in raggu gar "aan caadi ahayn" ay daystaan, xijaabka oo lagu xirto goobaha dadweynaha iyo in la diido daawashada TVga.


Xinjiang ayaa ah meel ay ku badan yihiin dadka Uighurs, oo ah dad Muslimiin ah oo sheega in la faquuqayo

 

BBC

Loading...
Loading...