Faallo:-Kornayl Biixi oo u Hoggaansan Hadalkii Boqor Buurmaddow Iyo Beeshiisu u jeeddiyeen

0
Tuesday January 14, 2020 - 22:58:15 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Kornayl Biixi oo u Hoggaansan Hadalkii Boqor Buurmaddow Iyo Beeshiisu u jeeddiyeen

    Faallo:-Kornayl Biixi oo u Hoggaansan Hadalkii Boqor Buurmaddow Iyo Beeshiisu u jeeddiyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Kornayl Biixi oo u Hoggaansan Hadalkii Boqor Buurmaddow Iyo Beeshiisu u jeeddiyeen
Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Kornayl Muuse Cabdi, ayaa kulan muhiim ah oo loo balansannaa maalintii shalay waxa uu la qaatay labadda Xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID oo isku dhinac ah iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxaannu balanku ahaa in la isla eeggo habka iyo dariiqa ugu habboon ee loo fullin karo Qoddobaddii ay soo saarreen Guddiga dhexdhexaadintu, kuwaasoo lagu soo af-jaray khilaafkii Komishanka doorashooyinka ee u dhaxeeyay Kornayl Muuse Biixi iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyadda Mucaaridka ah.
Image result for muuse biixi cabdi


Madaxweynaha Somaliland Kornayl Muuse Biixi Cabdi waxa uu u soo bandhigay Madaxda Xisbiyadda mucaaridka ah, inaanu garanayn dariiq iyo Qorshe uu u marro kala dirista Xubnaha Komishanka doorashooyinka ee khilaafka wayni ka taagnaa, isla markaanna ahaa Qoddobka ugu horreeya saddexdii qoddob ee ergaddii dhexdhexaadintu soo saartay, iyaddoo Madaxweynaha iyo Xisbiyadda mucaaridka ahibba ay aqbaleen qoddobadaas iyo hirgelintooddaba.

Haddaba, su'aasha iswaydiinta mudani waxay tahay maxaa keennay in Kornayl Muuse Biixi Cabdi uu ka baxo heshiiskii uu la qaatay Xisbiyadda mucaaridka ah? Akhristayaasha ayaan u dhaafayaa jawaabta su'aashaas, balse waxa la wada ogsoon yahay oo aan qarsoonnayn sababta uu uga maaggaayo kala dirrista Xubnaha Komishanka ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Riyo-raac oo Boqor Cismaan Buurmadow iyo beeshiisuba meel adag iska taageen qaddiyadda in meesha laga saarro Komishankan cusub, isla markaanna dib loo soo celiyo Komishankii hore ee Xafiiska wareejiyay, waxaanna muuqata in Kornayl Muuse Biixi uu aaminsan yahay hadduu kala dirro Komishankan cusub ee Riyo-raac guddoomiyaha u yahay inay isa seeggayaan beesha bariga Burco, waanna sababta keennaysa innuu Kornayl Muuse Biixi u hoggaansamo hadalkii digniinta ahaa ee Boqor Buurmaddow.

Beesha bariga Burco waxay aaminsan yihiin inay iyagu soo saarreen oo ku tabceen Kursiga Madaxweynenimo ee uu ku fadhiyo Kornayl Muuse Biixi Cabdi, isla markaanna aannu ku dhac iyo awood u lahayn innuu ka horyimaaddo waxyaabaha ay u arkaan danahoodda siyaasiga ah, waxaannay Kornayl Muuse Biixi ku riixayaan talaabo kasta oo ay ku kala fogaynayaan xidhiidhka siyaasaddeed ee Beesha galbeedka Burco iyo Kornayl Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee, Kornayl Muuse Biixi Cabdi waxa hor taala laba-daran innuu midkood doorto, waa midda horree innuu fulliyo oo hirgeliyo heshiiskii lagu dhexdhexaaddiyay Xisbiyadda mucaaridka ah oo uu kala dirro Xubnaha Komishanka cusub ee Riyo-raac hoggaamiyo iyo innuu Somaliland-ta kale taageeraddeeda waayo oo uu raali-gelliyo oo qalbigiisa ilaaliyo Boqor Buurmaddow iyo beeshiisa, waase eeggaynaa oo ka hor dhici-maynee aan wakhtiga u dayno.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...