Hogaamiye Mucaarid Ah Oo Is Casilaad Ugu Baaqay Madaxweyne Farmaajo

0
Friday March 29, 2019 - 17:11:10 in News by
  • Visits: 1867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye Mucaarid Ah Oo Is Casilaad Ugu Baaqay Madaxweyne Farmaajo

    Hogaamiye Mucaarid Ah Oo Is Casilaad Ugu Baaqay Madaxweyne Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiye Mucaarid Ah Oo Is Casilaad Ugu Baaqay Madaxweyne Farmaajo


Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay madaxweynaha soomaaliya inuu xilka amaanada ah dib ugu soo celiyo umada.




Hogaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa madaxweyne Farmaajo si adag ugu dhaliilay xaalada amaan ee magaalada Muqdisho oo ka sii daraysa, waxaanu ku yidhi qoraal uu soo saaray:-


Allaha u naxariisto dhowr iyo tobankii qof ee qaraxii maanta lagu dilay, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Laga soo bilaabo Sabtigii inna dhaafay ilaa iyo maanta 13 Qarax ayaa dhacay. Qaraxyadu iyo weerarada kama dhacaan Jidka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha. Waxay ka dhacaan xarumaha Dowladda iyo wadada Makka Al-mukaramah oo ay dowladu gacanta ku hayso, iyadoo ay meel waliba xiran tahay.


Al-shabaab in ay cadow yihiin la iskuma hayo, mana laha hawl aan ahayn gumaadka shacabka iyo burburinta hantidiisa. Su’aashuse waxay tahay haddii la yiraahdo halala diriro, yaa dagaalka hoggaaminaya? Haddii la yiraahdo dagaalkooda ha loo midoobo, yaa dadka midaynaya? Haddii la yiraahdo dadka ha is difaacaan, deegaanadii iskood isku xilqaamay ayaa garab ka waayey dowladda oo dadkii ay halkaa ku laayeen.


Haddii Taliska Nabadsugida aysan bilo badan Taliye lahayn, ninka xilka ku magacaabana uusan khibrad u lahayn hawlaha amniga ee nin jeclaysi loogu dhiibay, uuna loolan iyo xasarad kicin siyaasadeed ku hawlan yahay. Haddii taliyahii Booliska uu magac yahay lagana awood badnaysiiyey nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu Taliye ka yahay Booliska Gobolka Banaadir, kaasoo weligiis Boolis noqon, kuna hawlan dil qorshaysan iyo duulaan siyaasi.


Mushaar la’aan iyo ku takrifal awoodeed darteed, haddii moraalka ciidanka iyo saraakiisha hay’adaha nabadgelyada uu aad u hoseeyo. Haddii shacabkii aysan kalsooni ku qabin soo gudbinta xogta la xariirta argagixisada iyagoo ka baqaya in la ogaado, lagana aarguto, maadaama ay argagixisadu dad ku dhex leedahay ciidanka. Haddii uu lumay xiriirkii wada shaqayn ee hay’adaha amniga dalkeenna iyo kuwii ajnabiga ahaa ee gacanta siin jiray, ka dib markii shaki iyo xiriir xumi wada shaqayn ah timid.


Su’aasha waxay tahay maxay is dooroyaan argagixisada iyo kuwa shacabka u hoosaasinaya.


Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu masuuliyaddiisa qaato, xaqiiqada iyo waaqaca horyaala uu run iyo go’aan geesinimo leh ku wajaho. Is moogaysiis, dafiraada, kooxaysi iyo nin jeclaysiga meel iska dhigo. Haddii kale intii aad cadawga u hoosaasin lahayd, ummadda xilka iyo amaanada u soo celi.

Loading...
Loading...