Halkan Ka Akhriso Qaraarkii Ka Soo Baxay Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye
![]() |
Shirkan ayaa gaba gabadiisii laga soo saaray qaraar ka kooban qodobo door ah, kaas oo u dhignaa sidan:-
Qaraarka Golaha Dhexe ee Xisbiga Xisbiga Kulmiye
Xisbiga Kulmiye isagoo ka duulaya Distoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Tixgelinaayana Dhammaan shuruucda iyo Qawaaniinta Ka Farcantay Distoorka Qaranka.
1. Wuxuu aaminsan yahay kunna shaqeynayaa in jiritaanka qaranimadda Somaliland ay lama Taabtan tahay.
2. Kalfadhiga 6aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Wuxuu ugu baaqayaa dhammaan ummadda reer Somaliland in ay ilaaliyaan
ØJiritaanka iyo qaranimada Somaliland
ØMidnimadda, nabadgelyadda, wada noolaanshaha, wada-jirka, walaaltinnimad iyo isku duubnaanta ummadda Somaliland.
ØKalfadhiga 6aad ee Golaha Dhexe wuxuu farayaa dhammaan Hay’adaha
kala-duwan ee Xisbiga sida golaha dhexe, guddida fulinta, golaha
wakiilada, golaha wasiiradda, golayaasha deegaanka, guddiyadda
goboladda, degmooyinka Guddiyada iyo dhammaan laamaha dibedda ee Xisbiga
Kulmiye, in ay si joogto ah ubixiyaan qaadhaanka Xisbiga .
1.
qaadhaanka la Bixinayo waxaa uu Golaha Dhexe farayaa in Guddida fulintu
ay soo goyso qiimaha qaadhaanka kala duwan ee Xisbiga sida uu farayo
Xeerka Xisbigu jaangoyso.
2. Kalfadhiga 6aad ee Golaha Dhexe waxa uu
farayaa guddida fulinta in ay soo diyaariyaan unna soo bandhigaan
shirweynaha soo socda ee 2020-ka, qodobadan soosocda:-
a) In dib u eegis lagu sameeyo Xeerka Xisbiga
b) In uu talo kasoo bixiyo tirada golaha dhexe ee Xisbigu yeelanayo.
c) In gudoomiyaha Xisbigu isagoo la tashanaya hoggaanka Xisbiga uu dib u eegis ku sameeyo tirada guddida fulinta.
d) In Xisbigu uu balaadhiyo xidhiidhka uu la leeyahay asxaabta siyaasiga ah ee mandaqada iyo caalamkaba guud ahaan.
3. Kalfadhiga 6aad ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye waxaa uu ku hambalyeynayaa xukuumada fulinta balanqaadyadii Barnaamij siyaasadeedkii Xisbiga Kulmiye.
Hadaba si loo taabo-galiyo loona hirgaliyo Barnaamijkii siyaasadda ee Xisbiga, golaha dhexe wuxuu farayaa Xukuumada.
a) In ay xoojiyaan adkaysana amniga Jamhuuriyada Soomaliland.
b) Si loo xoojiyo loona taabagaliyo Dimuqraadiyada Soomaliland waa in ay qabataa Xukuumaddu Doorashooyinka wakhtigii loogu talo galay.
c) Iyada oo ay Xukuumaddu Dedaal badan ka samaysay cilaaqaadka khaarajiga lagama maarmaana ay tahay in laga midho dhaliyo aqoonsiga Jamhuuriyada Somaaliland, waa in ay Xukuumaddu kordhisaa dedaalka aqoonsi raadinta Somaliland.
d) Xukuumaddu waa in ay kor uqaado Barnaamijyada horumarineed gaar ahaan kuwa wax soo saarka sida Beeraha, wershadaha, Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka dabiiciga ah.
e) Xukuumaddu waa in ay xoojisaa Adeegyada arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.
f) Waa in ay Xukuumaddu Xooga saartaa ilaalinta deegaanka.
g) Waa in ay xukuumaddu kor u qaaddaa dhaqaalaha Dalka, Dhiirigelisaana maalgashiga.
Xisbiga Kulmiye waxaa uu sidoo kale hambalyeynayaa Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland oo hawl-adag qaranka u haya hadh iyo habeenna heegan ugu jira difaaca dalka.
Xisbiga Kulmiye waxaa uu u mahadnaqayaa Safaaradaha Dalalka aynu jaarka nahay ee Safaaradda Dalka Ethopia iyo Safaaradda Dalka Jabouti.
Ugu Danbayntii Xisbiga kulmiye waxa uu mahadnaqayaa
1. Xisbiga Ucid sida fiican ee uu nooga aqbalay marti-qaadkii aanu u fidinay asxaabta Qaranka.
2. wuxuu u mahadnaqayaa Xisbiga RPP ee Dalka Jabuuti.
Shirka kalfadhiga 6aad ee xisbiga kulmiye oo si balaadhan ugu
mahadnaqaya shacabka Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama,
Salaadiinta, madax-dhaqameedka, ganacsatada, aqoonyahanka, dhalinyarada
iyo haween weynaha.
Sidoo kale waxaa uu u mahadnaqayaa
Mulkiilayaasha Hudheelada , gaar ahaan Saw Hotel oo shirka xisbigu si
rasmi ah uga socday, gudoomiyaha Gobolka Awdal, gudoomiyaha Degmada iyo
Golaha Deegaanka Boorama.
Dhammaad