Dp World Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Dacwadii Dekeda Dooraale

0
Tuesday January 14, 2020 - 15:35:06 in News by
  • Visits: 2201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dp World Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Dacwadii Dekeda Dooraale

    Dp World Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Dacwadii Dekeda Dooraale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dp World Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Dacwadii Dekeda Dooraale


Hargeysa(HWN):- Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay wareeg kale oo sharci ah oo ka dhan ah dowladda Jabuuti oo ku aadan dekeda Doraleh.


Maxkamada Xallinta Khilaafaadka Caalamiga ah ee London ayaa ku amartay Jabuuti inay soo celiso xuquuqaha iyo faa’iidooyinka iyada oo la raacayo heshiiskii 2006 ee DP World iyo Shirkadda Doraleh ama labo bilood gudaheed ku bixiso magdhow.

Khabiir madax-bannaan ayaa ku qiyaasay khasaaraha shirkadda DP World in ka badan $ 1 bilyan.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku kacday arrin sharci darro ah ka dib markii ay si qasab ah uga saartay shirkadda DP World maarayntii dekeda Doraleh bishii February 2018.

Shirkadda DP World ayaa hadda ka sugaysa Jabuuti inay u hogaansaanto xukunkii sharci ee ugu dambeeyay.

22-ka bisha Febraayo ee sanadkii hore 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii.



Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

 

Loading...
Loading...