Maroodi Ma Daayo Mirashadda, Mayracuu U Bartuu Muhanayaa ( Abdi-Shotaly).
Waxa hore loo yidhi " Maroodi ma daayo mirashadda, oo mayracuu u bartuu muhanayaa" waa sidaase waxan halkan idiinku soo koobayaa, inta wax ee uu cunay tuuga sare ku qorani, oo ah haadda kulmiye kuwa ugu sii tuugsan:-
(1) Wuxu keliggii liqay, intuu iibiyey Dekeddii Berbera ee ahayd Dhuunta keliya ee ummadda laga quudin jirey.
(2) Garoonkii Afrika ugu dhabadda dheeraa ee Berbera, Isna jeebka buu ku shubtay, oo uu kaga xoolo qaatay Ciidamo Carbeed ( Kuwa Imaaraadka).
(3) Garooka Hargeysa oo Dawladda Kuwayt ay ugu tabarucday $7.000.000 (Todoba milyan oo doolarka Maraykanka ah), Iyana siddii faraha uu ula galay Mr Maxamuud Beenaale, bal adba sheeg halkay ku dambeeyeen xoola-haasi.
(4) Wershaddii sibidhka ee Berbera Iyana dhidibadda buu u saaray, oo wuxu ka iibiyey wadano shisheeye oo uu ka mid yahay Faransiisku.
(5) Wuxu Iibiyey 845 Guri oo Xukuumadahii kala dambeeyey ilaa iyo Boqortooyaddii Ingiriisku laga soo bilaabo ahaa hanti umadeed.
(6) Wuxu qandaraas ku siiyey Digaddii Xoolaha Dalka Shiinaha, waxana cuno looga dhigaa Ciidda beeraha, oo ay digadu qayb weyn ka qaadato wanaajinta wax soo saarka.
(7) Waa ninkii lahaa fekreddii ahayd in Sacad Yoonis laga raro dhulka, ee yidhi ha la dumiyo magaalooyinkii ay degenaayeen, inkaari ha ku dhacdee cagaf-cagafta geliyey, Masaajidaddii illaaahy wax kale iska daayo ( Yuhuudu ma samaysao in ay dumiso Masaajidadda).
Waa ummad aan loo jid-bixinayne oo khaayin-ba-khaayin u sii dhiibaayo'e, kii waxaas sameeyey, iyo wax kaloo aan la soo koobi karin, baa maanta-na weli raba in uu inoo soo gurguurto, wax hadhay ma jiraane ee uu dadka xaraasho siddii Baayac-mushtrakii dadka ee qaraniggii 17-18 ee ku magac dheeraa mar lagu akhriyaayo afka Ingiriiska " SlaveTrade". Isaga oo dacas gashan buu soo galay dalka, oo xaga sare ka qaawan, maanta-na waa Milyaneerka ugu weyn Maamul Goboleedka Somaliland. Bal akhristaw is weydii oo xagee ay ka timi lacag-taasi. Arimahan hoos ku qoran ila akhri, bal haddii aanay ahayn Hantiddii uu ummadda ka xaday " Maxamuud Beenaale" xaguu ka keenay:-
(a) Aqalka weyn ee Hargeysa ka soo hor jeedda Gurigga Madax-weyne Siilaanyo ( Illaah caafimaad ha siiyo'e), Waxa lagu dhisay dhawr milyan oo doolarka Ingiriiska ah, waana dhawr dabaq.
(b) Waxa kaaga daran dhulka uu ka iibsaday Burco bari oo ka weyn inta ay ku fadhido Magaaladda Burco.
(c) Guri Milyan iyo sided boqol oo kun oo doolar ah ( $1,800.000) buu ka iibsaday magaaladda Birmingham ee dalka Ingiriiska.
(d) Waxa la yaabka leh, ee qofkii maqlaaba uu dhegaha faraha geliyey iyana waxa weeye, Meelaha dhulka ugu qaalisan Magaaladda London buu guri ka iibsaday uu siistay qiime dhan $2,500,000. Bal adiguba caqlaad leedahee xagee laga keenay xoolaha xadi-gaas leh, ma cirkay uga soo dhacday tuuga xun ee illaahay ka go'ay.
Waxan ku soo xidhay, hora loo yidhi " Labadda xaaraanta ku heshiisaa, xalaasha bay isku dilaane" Kii ay dabadda ka wadda wadeen Colaadda Shanta sano ka socotay Ceel-af-weyn ( Waa Geenyo-Shaaximane), ee u shiraakoobay Dumintii tuulooyinka Sacad Yoonis iyo hubaynta beeshoodda, kii la soo qabto ee wax dilana sii daynaayey, hadana ciiradda isku qarinaayey, welina ku jira, oo colaad reeraad ay ka gashay maskaxdda, dhiigiisa iyo curuuqdda raacday, labaddii cayn-kaas ahaa ( waa kuwa aan sare ku soo sheegaye, baa illaah waa caadile maanta isku haysta aniga baa dadka inta sii qiiqaysa iibinaaya iyo adigu ma iibinay-side aniga baa xaraashka gaynayaaya. markaasuu weliba Iimaanka Alle ha ka qaadee, Maxamuud Beenaale hadda ku wareegayaa Yurub, oo uu doonayaa wax sidaas sacabka ugu garaaca. Waxan leeyahay " Xaaraan bay adiga iyo saaxiibkaa Geenyo Shaaximaan idinka tahay, tuug-yahaw xaaraamiga ahi.
* N.B Labadda Xaaraanta Ku Heshiiyaa, Xalayshay Isku Dilaan.
Qore:- Abdi Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!