Dawlada Turkiga Oo Ka Hortimid Cadaadis Kaga Yimid Maraykanka, Una Janjeedhsatay Dhinaca Ruushka

0
Friday March 29, 2019 - 17:02:20 in News by
  • Visits: 2437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Turkiga Oo Ka Hortimid Cadaadis Kaga Yimid Maraykanka, Una Janjeedhsatay Dhinaca Ruushka

    Dawlada Turkiga Oo Ka Hortimid Cadaadis Kaga Yimid Maraykanka, Una Janjeedhsatay Dhinaca Ruushka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Turkiga Oo Ka Hortimid Cadaadis Kaga Yimid Maraykanka, Una Janjeedhsatay Dhinaca Ruushka

Dowladda Turkiga ayaa maanta diiday cadaadiska Mareykanka ee ku wajahan heshiiska ay ku iibsaneyso habka difaaca gantaalaha Ruushka, waxayna sheegtay in Ankara ay ku guda jirto wada-hadla lagu soo gaarsiinayo habkan oo lagu magacaabo S-400.




Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka careysiiiyey xulufada Turkiga ee NATO, gaar ahaan Mareykanka, kadib markii uu go’aansaday inuu iibsado habka difaaca gantaalaha Ruushka, islamarkaana uu xiriir dhow la yeesho madaxweyne Vladimir Putin.


Sarakaiisha Mareykanka ayaa uga digay Turkiga inuu wajihi karo cunaqabateyn islamarkaana loo diidi doono ka qeyb-galka diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka uu sameeyo.


"Waxaan heshiis la saxiixanay Ruushka. Heshiiskana waa mid sharci ah. Waxaan hadda ka hadleynaa sidii habkan na lagu soo gaarsiin lahaa” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu oo shir jaraa’id magaalada Antalya kula qabtay dhiggiisa Ruushka.


"Ruushka waxaan la galnay heshiis, waana u hogaansamaynaa” ayuu yiri Cavusoglu oo intaas ku daray in cadaadiska dalalka kale uu kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah.


Habka difaaca gantaalada ee S-400 ayaa la filayaa in Turkiga la geeyo bisha July.


Source:-VOA
Loading...
Loading...