Buurmadaw Ayaa Wasiirka Warfaafinta ah Mar Hadii uu Hore Inooku Sheegay in Qodobkiisu yahey Laakiin Ergadii Madaxweynaha Agtiisa Ka Mudneyn

0
Tuesday January 14, 2020 - 12:36:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buurmadaw Ayaa Wasiirka Warfaafinta ah Mar Hadii uu Hore Inooku Sheegay in Qodobkiisu yahey Laakiin Ergadii Madaxweynaha Agtiisa Ka Mudneyn

    Waxaynu Wada ogayn in muddo laba Sanadood iyo dheeraadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu Wada ogayn in muddo laba Sanadood iyo dheeraadka
uu talada somaliland hayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxaa soo noqnoqdey Muranka Arimaha Doorashooyinka oo Shacabka iyo hogaamiyayaasha Xisbiyada, Waxgaradka, Duqeytida iyo inta ugu badan ee Reer Somalilandba ay wali rajo ka qabeen in uu soo afjari doono khilaafka iyo murruga ka taagan haseyeeshee, aan anigu Waa hore ka quusgooyay in uu meel marinayo in uu soo gabagabeeyo Doorsahada iyo Dimiqraadiyada Somaliland isagoo fulinaya Fariimaha dalalka dariska qaarkood.



Haddaba marka si qoto dheer loo dhugto Dhaqdhaqaaqyadii u Dambeeyay iyo ergaddii ay ka galeen Odoyaashii, Culumadii, Ganacsatadii iyo intii ka hawlgashey dhexdhexaadintasi ayaa lawada ogaa oo la isla wada Waafaqey, in Komishanka Xiligan ee Muranku ka taagan yahey lagu baddelo Komishankii hore taas oo ay Aqbaleen Gudoomiyayaasha labada Xisbi islamarkaana, aanu habayaraatee Waxba ku diidin ee uu Dhinaciisa isaguna Aqbaley Madaxweynuhu laakiin Arintaa Waxa Maalmo kadib ka hadley, Ninka layidhaa Boqor Buurmadaw qadiyadaasi isagoo u hadlaya si aan umadda Reer Somaliland midnimadeeda iyo anshaxa Dal iyo Dad ahaanba ka baxsan u hadlaya oo dibada ka ah Milgaha iyo dhaqanka marka gees laga eegana u Muuqda in uu yahey, ninkii talada Dalka qeybta Weyn ee Munaasibka ah ka ahaa oo hadana u Muuqda Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadan marka loo eego halka ay Maanta taagan Tahey iyo Sida uu hadalkiisu ugu Mug Weynaadey kii ergadda iyo Umadda Somaliland wada qaadatey.


Sikastaba ha ahaatee Soomaalidu Waxey ku Maahmaadaa Booraan Hadimo ha qodin hadaad qodana ha Weyneyn ku Dhici Doontaana mooyee, la iskuma hayo in Ilameeraysadani maalin Maalmaha kamid ah ay Dambarsan Doonto Madaxweyne Biixi marka uu Toban Ergo iyo Umadda Somaliland diido isaga iyo inta kula Socota arintaasi Marka Shacbiweynaha iyo Waxagaradka Somaliland kasoo horjeestaan Talooyinkiisa Qaloocan.


Gabagabadii Madaxweynaha agtiisa Ergadii kama ay mudneyn Boqor Buurmadawna Waa Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadane bal hadalkiisa Dambe aynu ogaano.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...