Waxa jira eray cilmiga siyaasadda macne gaar ah ku leh oo dawladnimada si loo gu isticmaalo

0
Friday March 29, 2019 - 16:58:42 in Articles by
  • Visits: 1495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa jira eray cilmiga siyaasadda macne gaar ah ku leh oo dawladnimada si loo gu isticmaalo

    Waxa jira eray cilmiga siyaasadda macne gaar ah ku leh oo dawladnimada si loo gu isticmaalo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa jira eray cilmiga siyaasadda macne gaar ah ku leh oo dawladnimada si loo gu isticmaalo


Waxa jira eray cilmiga siyaasadda macne gaar ah ku leh oo dawladnimada si loo gu isticmaalo. Eraygaa Soomaalidu si gaar ah ayey u fahamtay, macne gaar ah oo aan ahayn kiisa saxda ahna waa ay ku feker turjumatay.


Eraygaasi waa erayga "Administration” oo ay Soomaalidu maamul u macno xilatay. Eragya "Administration” fahamka siyaasiga ah ee duwalka caalamka hal macne ayuu ku leeyahay.



Macnahaasi waa xukuumad oo loo la jeedo inta Madaxweyne amma Raysal Wasaare Golihiisa fulineedhoos timaadda muddada uu xilka hayo. Sidoo kale waxa loo isticmaali karaa muddo xileed xisbi doorasho haya wakhtiga la doortay.


Tusaale ahaan, Trump Administration amma Republican Administration waxa loo la jeedaa muddo xileedka bilowgiisu yahay January 20 2017 ilaa November 3, 2020 oo ku beegan doorashada madaxtinnimo ee tan xigta.


Erayga "Administration” amma Maamul ma aha macnihiisu maamul-goboleed oo ah is-xukun hoosaad (regional administrative). Ismaamul madaxbannaan iyana waa Autonomous State. Haddii aad maqasho Maamulka Addis Ababa amma Washington waa kan Abiy Ahmed/Donald Trump oo ku eg muddo xileedka xukunkooda.


Erayga dawlad se waa xukuumadda (Administration) oo loo geeyey golayaasha heer qaran, ciidan iyo sharci. Halka maamul amma Administration ka yahay Gole fulineed oo haysta muddo xileed mucayin ah.


Mohamed O. Hagi Mohamoud

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...