Maxamoud Xaashi Oo Rubuc Kulmiye Ahi Xaflad Kasta Kusoo Dhoweynayaanayaa Europe Ka Dhacday.
			Maxamoud  Xaashi  waa nin Somalilander ah oo hankiisa Gudoomiyaha                        
		
            
		
  
		
		  
  
		
		  
		 
  
		
		  
  
		 
		
      
    
        
    
    
                  Kulmiye xaq u leh inuu Madaxweyne isu  sharaxona xaq u leh sida ragga 
kalee isu sharaxayaba. Socdaalkiisan Yurub ee is muujintiisa inuu 
Gudoomiyaha  Kilmiye sharaxanyey iyo Khudbadihiisa waxaa ka dhex 
muuqday  afar dhaliilood oo aad u waaweyn  laakiin uu u  babac shigi 
karo dhammaantood. 
		
  1- Markii dhawr asbuuc ka hor  uu is muujiyey inuu u sharaxanyey 
Gudoomiyaha Kulmiye  markiiba Madaxweyne Muse Biixi wuxuu sida jinka uga
 dhex hadley Gudoomiye ku xigeenka KULMIYE ee ina DHAANDHEERE oo wuxuu 
yidhi Maxamoud Xaashi golaha dhexe ee Kulmiye kuma jiro isla markaa 
hogaanka Kulmiye na kuma jiro taasoo ay ka dhex muuqanayso in hadduu 
golaha dhexe ee Kulmiye ku jiro  waanu ka tuuri doonnaa sidii ina 
geeljire iyo qaar kaleba aannu uga saarray waxaa kaluu sii raaciyey 
golaha dhexaa Kilmiye la iska soo sharaxaa Facebook ga la iskama 
sharaxo. Arintaasi waa dhirbaaxo siyaasi ah uu xambaarsanyey Mudane 
Maxamed Xaashi laakiin mar qudha khudbadihiisa Yurub muu soo hadal 
qaadin.
 
 
  2- Kulmiye Meel walba waxaa kusoo dhoweynayey oo  ficil Hadley intii 
Siilaanyo la socotay rubuceed oo weliba  dadkii qaadaa ma dhergaanka 
ahaa ee  shaqaale hoosaad la ahaa  oo wadan qudha  qammaamuurtii Kulmiye
 may  soo dhoweynayn taasina macne weyn bay u samayneysaa  dadka 
siyaasadda  mashqaceeya.
 
 
  3- Dawladdii iyo wasiiradii Xukuumaddii Siilaanyo inuu cid kasoo 
kaxaystay ahayd  oo aanuu qof firdhada u e kaan oo xitaa Suldaanadiisii 
uu Buurmadaw ka mid ahaa ay qaar hankiisa kula socdaan laakiin keligii 
oo cad oo madaw inuu kaambaynka bilaabo ma ahayn qudheeda halkaa waxbaa 
jira.  
		
  4 - Ta labaad khudbadihiisu ma laha political motivation soo 
bandhigiya waxyaaluhuu u soo qabtay ummadda reer SOMALILAND een guud 
ahaan ahayn sida shaqo qoriddiisii Madaarka iyo Madaxtooyada oo dad kala
 duwan wax u qabtay waayo waxaa aad loogu sheegaa inuu meel walba 
caruurtoodiiyo aqoon lahayn ka buux dhaafiyey taana hadduu hayo wax uu 
isku baraxo waa inuu khudbadihiisa run badan ku soo daraa wax baanay ka 
taraysaa xagga taageerada maanta uu rabo. 
 
 
  5- Ta shannaad waa maxay Gudoomiye nimada Kilmiye ee nin keligii 
doonaayaa miyaanay dadkale doonanayn mise waqtigii may gaadhine Maxamoud
 Xaashi wuxuu sii  sheegayaa inaan xagga Xukuumadda looga ogolayn oo  
xoog buu sii urursanayaa iyo xoolo.  Suaalo badan baa taagan siyaasadda 
Maxamoud Xaashi laakiin  qof waliba sibuu u dagaal galaaye usagaa is 
badiya. 
 
 
 
  M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
        Loading...    
        
    
        Loading...    
        
    

 
         
                     0
                0            
 
    						





