Guur Casriga Ah Iyo Caasiga Ku Ladhan, Cidhibtirka Qoyska.
Haddaba masiiboyinka
qaran een wali la dhaadin waxa ka mid ah HABKA GUUR MAAMUUSKA oo noqday
dabargoyn keeni karta cidhib xumo sahayata nololsha TUSAALE ahaan waxa soo
kordhay in marka laba qof oo doonaya inay nolol sameyataan wacan, ay marka
xaflada meherka laga dhigo inay ka qabsoonto laba meelood sida marka wiilku
xaflada meherka ka soo baxo inuu toos u tago goob xafladeed loo sii diyaariyey
oo ay joogto gabadhi ilbidhiqsiyo ka hor loo meheriyay halkaasna qaab meher caasi ah ka dhaco oo fargal
gacanta laysku galiyo taasoo ku kacaysa kharash badan iyo in si dadban qaab
kinisaseed loo aagaasimo meherka taas oo dhaqaale iyo dhaqanba dhildhilada u
saaraysa, waxa kale oo jirta ISBARASHO QOYS: in labada reer ee lamaanuhu isku
qaabilaan qaab xafladeed oo halkaa dhaqaale badani ku baxo.
labadaa dhacdo
wareed. Arooska ka dhasha waa la garanayaa waxa uu soo wado.
Waxa jira dad arrimaha guurkoodu u burburay ama saameyn ay ku yeelatay arrinta aan kor kuxsay, dhalinyartuna waa isku daydaan inta badan waxaaney keenaysaa in isugu faanka qaab xafladeedkaasi curyaamiyo hanaankii taranta qoyska ee qaran ku faano, waxaana ka dhalan karta irdhaw ay dhalintii awoodi kariwaydey ku dhaqaaqan dhaqan doorsan kale oo macsida iyo sinadu badato.
Haddaba si looga hortago. Halkee ayuu maray doorkii dawladu ku lahayd hagaajinta iyo toosinta arrimahan meeye 1 WASAARADII DHAQANKU
2 .WASAARADII DIINTA IYO AWQAAFTU,
3 WASAARADII ARRIMAHA BULSHADU.
.Qalinkii Qoraa Hal_Abuur
Maxamed C/qaadir colhaye
Email. [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!