Gudoomiye Ciro Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Shir Mucaaradku La Yeeshay Muuse Biixi Oo Natiijo La'aan Ku Dhamaaday

Guddoomiyaha oo saxaafadda la hadlay waxa uu yidhi "Madaxweynaha waxaanu ka filaynay wixii u qabsoomay laakiin, wuxuu gunaanadkiisii noqday in aanu fulin karayn kala diriska Guddida Doorashooyinka ee hadda jooga arrintaas oo uu ka gacan taagtay in uu fuliyo, taas oo macnaheedu yahay in aanu fulinayn go’aammadii guddida dhexdhexaadinta.”
Labada Xisbi ayaa sidoo kale baaq u diray
Komishanka "labada xisbi waxay ugu baaqayaan Komishanka hadda jooga si ay dalka
uga qabsoonto doorasho wakhtiga ugu dhakhso badan ee suuro galka ah iyaga oo u
tudhaya dalkooda in ay iscasilaan ayaanu ugu baaqayna,” ayuu yidhi Mudane
Cabdiraxmaan Cirro
Dhinacyada ay arrintani khusayso ayuu sidoo kale guddoomiyuhu baaq u diray "Labada xisbi waxay u caddaynayaan una soo jeedinayaan Guddidii Dhexdhexaadinta, Beesha Caalamka iyo Bulshada Somaliland in doorka ay ku leeyihiin ka qaataan hawshan.”
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu intaasi ku daray in labada xisbi mucaarad ee WADDANI Iyo UCID yeelan doonaan shirar is-dabajoog ah oo ay kaga arrinsanayaan arrintan taaggan.