TRUMP waxa uu kicyey xiisada 13/1/20
Ka ficil celintii hanjabaadahii Trump ee
Shiinha markii uu ku jiray ololhii
doorashooyinka waxay Shiinahu ku dedejisay in ay in ay ka feejignaadaan markii uu xukunka lawareegay ,e sandkii
2017kii, waxayna fidiyaan sawaariikhda balastikadaa ee
kala gudba qaaradah, iyo bariga fog ee Shiinha, kuwaas oo
fogaantoodu ay gaadhayso 14kun oo km oo awooda u leh in ay
qaadaan madaxyada nucliyeerka ,taas oo waqti horaba uu ka digay madaxwynha
marykanku ,waxaanu si cad u qeexay dagaal dhexmara shiinha,iyo maraykanka
iyo isku dayga in laga dhigo dhaqaalah shiinha mid fadhiid ah, taas
oo joojinaysa oo baqdin galinayasa
dhaqaalahii maykanka, sidoo kale Trump
waxa uu bilaabay siyaasad cusub dhamaadkii 2018kii oo uu ku cadeeyey in Ruushka iyo Shiinhu yahiin tartamayaasha ugu waywayn ee marykanka , marka loo eego saxada dowligaa,
maxaa yeelay saamaynta juquraafi siyaasadeed iyo awoodooda maletrigaa iyo
dhaqaalahooda oo soo kordhaya , sidii uu sheegay Trump ,Rusha iyo Shinhu waxay yahiin laba dala oo joojinn kara musaalaxad marykanka isna hortagi karaaan , waxaanay isku dayayaan
karaan in ay dhibaateeyaan amniga marykanka ayna bedelaan xaaladaha taagan,
Sida uu u yidhi Trump waxa uu isku dayey in uu u adeegsado cashuuro uu ku soo rogo in uu ku cadaadiyo dhaqaalaha shiinha, sida ay u u saamayso labada daraf ee Shiinaha iyo Ruushaka si ay ugu biiraan heshiisyada nukliyeerka ee dhexe ee hadfkoodu yahay in loo adeegsado sawaariikhada balastikadaa , maxaa yeelay heshiisyada la galay iminka waxay maraykanka ku hogaaminaysaa in uu hore u mariyo sawaariikhda maadaama uu Shiinahu hore u mariyey awoodiisa sawaariikhda ,maxaa yeelay waxay ka baxsan tahay heshiisyadii hore
kordhinta dhoolotusyada malitry
Dhanka kale hadii aynu ka egno Ruushku waxa uu kordhiyey mowjadah dhoolotusyadaa ee dhinacas bada iyo dhulkaba si uu u la sinmo dhoolotusyada maletry ee marykanka , badaha Ruushka ,halkaas oo uu ka sameeyey dhoolotusyo bada degan iyo bada madow, sandkii 2018kii ,sidoo kale bishii Decenber ee isla sandkaa waxaa uu sameeyey dhoolotus bada Jabaan iyo khawakasak si loo horumariyo dhoolotusyada askarta Ruushka, intii dagaalkii labada aduunka ka dib, taas oo ay ka qayb qaateen 300 kun oo askari aa Ruush iyo Shiinahuna dhoolo tuskaas oo ka dhacay bariga Ruushka ,taas oo noqotay dhoolutus maletriy oo cir ,dhul ,bad, ee bada dhexe ee 2018kii ,taas oo dhicin taariikhada Ruushka ,taas teeda ayuu marykankuna isna ku dhaqaaqay dhoolutus wayn oo intii Nato jirtay aan la samayn kana dhacay dalka Norwayj, sandkii 2018, kana qayb qaateen 50 kun oo askari oo Naato ah meel udhow xuduudka Ruushka, dhoolatuskii ugu danbeeyeyna waxaa7 qabtay dallka SHiinaha,RUUSHK, IIRAAN, dhoolu tuskaas oo kadhacay bada baxrayn ilaa marinka hormos ilaa badwaynta Hindiya ,kana qayb qaateen ciidamada sadexdaas dalalkaas ee sanadkii tagay ee dhawaa 26/12/019 .
ka baxida heshiisyadii yaraynta hubka
Markii uu yimi john biliton oo ah la taliya amniga qaranka ee marykanka isagoo waday wadahadalo u dhaxeeya Marykanka iyo Ruushka .kaidib markii ay soo kala dhexgashay kala shaki iyo tuhuno in lalaalo heshiisyadii awooda dhexe ee nukluyeerka, taaas oo damaanad qaadaya inaan la samayn oo aan la fidin oo aan la tijaabin nooc uu yahayba sawaariikhdaasi yurub gudaheeda, iyo in la burburiyo sawaariikhda rida dhexe ee u dhaxaysa (5500-1000) ilaa (1000-500) KM,taas oo dowlada maykanku kabaxday sandkii (OCT,2018) tiiyoo taasi jirtana Ruushku waxaa uu ku hanjabay in uun ku fidin doono sawaariikhda yurub gudaheeda arinkaana uu u sheegay maraykanka,.
By: khaddar adam aw muuse
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!