Maxamuud Xaashi oo Qurbo-jooga KULMIYE ku eeddeeyay inay ka Qayb-qaataan Colaadaha dalka.
Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Qurbo-jooga KULMIYE ku eeddeeyay inay ka Qayb-qaataan Colaadaha dalka

Hargeisa(HWN):-Siyaasiga
Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mida siyaasiyiinta waa wayn ee Xisbiga
taladda haya ee KULMIYE, isla markaanna ka mida Siyaasiyiinta damacu
kaga jiro Guddoomiyenimadda KULMIIYE, waxa uu uga digay Qurba-jooga
taageera Xisbiga KULMIYE inaanay dhaqaalahoodda gelinin Hub iyo rasaas,
balse ay kaga qayb-qaataan dhanka Horumarka bulshadda.

Wasiirkii
hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo
magaalada LONDON kula hadlaayay taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, waxa uu u
sheegay inaanay niyad-jebin oo aannay kala furfur-min, maaddaama ay ku
guulaysteen doorashaddii u danbaysay ee Madaxtooyadda, taasoo uu sheegay
inay Qurbo-joog ahaan halgan wayn oo siyaasaddeed ku lahaayeen.
"Qaybo
ka mida Qurbo-joogu waxay waddaan dhibaatooyin iyo wax qaranka
Somaliland iyo Soomaaliyabba lid ku ah. Waxaan leeyahay Qurbo-jooga
qaadhaan haku bixinina qalallaasaha iyo kala qoqobka dalkiinna,
haseyeeshee waxaan leeyahay qaadhaanka ku bixiya dhismaha qarankiinna
iyo Qoysaskiinna. Iskuulka xaafaddiina laga dhisaayo ka qayb-qaaddo waa
saddaqee, laakiin Inamo yar yar oo Qoryo qaadannaaya reernimo Qori ha
ugu iibin colaad sokeeye ayay riddayaan, dhiig bay daaddinayaan." Ayuu
yidhi Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi
"Qaar
badan baa u dhoofay siddii ay Qalalaase iyo Colaad u riddaan oo
dalkoodda iyo deegaannadooda uga sameeyaan, qaarna waxay u dhoofeen
siddii ay Aqoon iyo Horumar u geeyaan."
"Nin
Cabdisallaan la yidhaahdo oo reer Brigham ah waxa uu tagay Laascaanood
waxa uu ka sameeyay Dugsi hoose, Dugsi sarre iyo Jaamacad, waxa uu
sameeyay guul wayn, waxaan ogahay waxba sheegi maayee qaar intay halkan
ka dhoofeen deegaannadoodii qalalaase geliyay oo Caruurtooddii halkan
kaga tagay oo kuwo kale Qoryo u iibinnaaya oo leh dagaalama." Ayuu yidhi
Maxamuud Xaashi Cabdi.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...