Muuse Miyuu Ku Abaalmariyay Gudoomiyaha Baanka (Cali Tuug) Xilka Uu Udhiibay?

0
Sunday January 12, 2020 - 18:40:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Miyuu Ku Abaalmariyay Gudoomiyaha Baanka (Cali Tuug) Xilka Uu Udhiibay?

    Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cali Baqdaadi oo loo yaqaan (Cali Tuug)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cali Baqdaadi oo loo yaqaan (Cali Tuug) ayaa ah nin da’ah oo u dhaqmaya sidii jiriga ama ciyaala suuqa marka aad eegto ficiladiisa.


Cali Tuug ayaa shaadhkiisa u isticmaalay inamo dhalinyaro ah oo ka shaeeya shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, kadib markii ay shabakada Hadhwanaagnews ay soo bandhigtay xatooyo uu ku sameeyay hantidii ummada Somaliland oo ay ku jiraan cashuurta danyarta laga qaado, sida hooyada cad ceeda caanaha ku iibisa.



Cali Baqdaadi oo imika bulshadu ubixisay Dhukur Tuug ayaa ah nin wayn oo qurbaha joogay muddo badan, balse wax camal ah aan kuhayn qurbaha, marka laga yimaado mixnada uu kula dhex jiray qurba joogta ku jirta xisbiyada Somaliland ku kala jira oo uu warka ukala qaadi jiray.


Dhukur Tuug ayaa ku jiray xisbiga Waddani maalintii habeenkiina waxa uu xogta iyo siraha xisbiga ugudbinjiray Xibiga Kale ee Kulmiye. Taasi oo cadaynaysa sida uu isla markii uu Muusaha Somaliland ku guulaystay xilka uu isla markiiba u magacaabay xilka ah ilaalinta hantida qaranka Somaliland ee ah xilka gudoomiyaha Baanka Somaliland.

Hadaba in uu xogbadan uu siiyay Dhukur Tuug hogaamiye Muuse waxaa kuu cadaynaysa xilka ilaalinta hantida Ummada halka ay taal ee ah Baanka.


Xilka laga qabto dawladu maaha mid lagu waaro oo xilku waa wareegto, oo waa lahubaa in aan nin xilka dawlad uu ka qabto aanu ku waarayn, balse bari ka maalin marka uu xilka ka dego dhukur tuug miyaanu noqon doonin mid shacab ah oo la arki doono isagoo shacab ah in uu bulshada dhex lugeeyo.


Maantase inamadii ka shaqay nayay shabakada Hadhwanaagnews dhibtii uu la doonayay Cali dhukur Tuug waxa uu ilaahay ugu bedelay wax ka khayr badan oo ah in mustaqbal wanaagsan ay maanta heleen, kadib markii Mulkiilaha Hadhwanaagnews uu hantidiisii uu shaqaystay uhuray shaqaalihiisii, halka dhukur Tuug isaga oo sideetan jira uu xadayo Lacagtii Ummada Somalilad ee ay ku jirto xoolaha agoonta, danyarta iyo inta ummada jilicsan ee uu baabiiyay sideetan jirada uu kamid yahay Cali Baqdaadi iyo hogaamiye Muuse Biixi.

Salmaan Cabdiqaadir Muuse.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...