Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ku Baaqay In Magacyada Xun Xun Laga Daayo Madaxweyne Muuse Biixi.

0
Friday March 29, 2019 - 13:20:51 in News by
  • Visits: 2493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ku Baaqay In Magacyada Xun Xun Laga Daayo Madaxweyne Muuse Biixi.

    Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ku Baaqay In Magacyada Xun Xun Laga Daayo Madaxweyne Muuse Biixi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ku Baaqay In Magacyada Xun Xun Laga Daayo Madaxweyne Muuse Biixi.


Hargeysa(HWN):-wasiirkii hore ee madaxtooyada somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku baaqay in madaxweynaha laga daayo magacyada xun xun ee loogu yeedhayo.




Ex wasiir Maxamuud Xaashi oo marti ku ahaa kulan ay qabanqaabisay hay’adda CPA halkaas oo uu kaga hadlayey Khilaafka wadamada carabta iyo isbadalada ka socda Geeska Afrika ayaa xogo dheeraad ah ka bixiyey heshiisyada ay somaliland la gashay wadanka imaaraadka carabta.

Waxa uu tafaasiil ka bixiyay ujeedooyinka heshiisyada Somaliland iyo Imaaraadka iyo guud ahaan xidhiidhka Somaliland iyo Carabta u bilawday wakhtigoodii oo uu sheegay in ay Somaliland garab ugu samaynayeen kuna raadinayeen aqoonsi.

Waxa kale oo uu ku baaqay in madaxweynaha laga daayo naanaysaha aan wanaagsanayn "Madaxweynaha Qaranka Naanaysaha xun xun ka daaya, ‘handaraab iyo Qaful iyo’ waxaas ka daaya oo Magacyo Fiicfiican u bixiya,”ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Hadalkaas ayaa ex Wasiir Maxamuud Xaashi ka soo baxay ka dib markii qaar ka mid ah dhalinyaradii ka soo qayb gashay madashu ay waydiiyeen su,aalo ay ku cel celiyeen "Ma Madaxweynaha Ayaa Handaraabay).

Loading...
Loading...