Bahda Hadhwanaagnews Oo Hambalyo Dhalasho Farxdleh Udiray Farxaan Ahmed Ali iyo Yasmin Souleiman Omar Oo Wiil Udhashay.
Dhamaan Bahda Hadhwanaagnews oo uu ugu horeeyo Mulkiilaha Shabakada Hadhwanaagnews Ahmednnasir Jibriil iyo maamulka iyo shaqaaluhuba waxay dhalasho hambalyo farxadleh udirayaan Farxaan Ahmed Cali iyo Marwadiisa Yaasmiin Sulaymaan Cumar oo wiil u dhashay 10/01/2020, Magaalada Toronto isbitaalka Humber River Hospital waxaana loo bixiyay Axmed-deeq Farxaan Axmed, waxaanay wiilkaa yare ee udhashay lamaanahaasi kor ku qoran ay ilaahay uga baryayaan bahda Hadhwanaagnews in ilaahay ka dhigo wiil dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba wax utara, oo anfaca waalidkii dhalay. Aamiin Aamiin.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!