Culimaddii Oo Fadhidda Calaqad Maw Yeedhay ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday January 12, 2020 - 09:39:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culimaddii Oo Fadhidda Calaqad Maw Yeedhay ( Abdi-Shotaly).

    Cinwaanku waa fasilayaa ama ka turjumayaa, iyaka oo Raggii-raga ahaa ay joogaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cinwaanku waa fasilayaa ama ka turjumayaa, iyaka oo Raggii-raga ahaa ay joogaan
( Waa Muj. Dhega-Weyne iyo Muj. Ahmed Mire'e). baa calaqadi " Waa Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximane" ka dhex  tumanayaan Somaliland, oo ay qaada-yaan Sitaadkii islaamaha ee ahaa " Sitooy, Xaawooy, Faadumooy, Sawjaddii Makaay Iyo Muxumedoow, Maxamedoow, malablaw Reer Qureyshaw" Oo xaal-koodu noqday doqonkii yidhi " Wallee kama Kaco"  Ee saw duni aakhir sabaan ma aha.Hees baa waxa ka mid ah ereya-deedda " Cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer, dawadi lama gaadhayoo, geed dheer bay saaran tahay" Waxana ay tahay micnaha ama ujeedadda laga leeyahay, haddii adiga oo garanaaya waxa saxa ah, aad meel kaloo khalad ah isku qaadid, oo aad humaag iyo dhalan-teed aan jirin isku maaweeliso, aan sidaas u sii ridnayn ama halka ay taallo dawadda aad ku buksan lahayd iyo mush-kiladda aad doonayso in aad xalisho, oo aanad toos ugu tiban, laakiin si badheedh ah uga baydhid dariiqii aad u mari lahayd, una leexatid meel xanuun awgeed loo karantii-meeyey ( Sidda daacuunka), lagu yidhi iska iska ilaali oo ha ag marin, waxa yaala sadho belo qabta'e, ha-yeeshee laguugu taag waayo in aad falaw-geed qabato, kuna dhaqanto waxa kuu dan ah iyo siddii aad uga sabata-bixi lahayd, masaa'ibbta aad caga-haaga ku doonatay, ilayn uma jeedid, hadna waad ku af gobaadsa-naysaaye, oo daacad kama tihid waxaad ku hadlayso'e. sababta oo ah waxa aanad rabin in aad wax xalisho, ee is-tus iyo cid kale khalad sidaad isu laahyd, baad bad weyn badhtanka u gashay, waxna ma maarayn karaysid, ee aakhirka aday giraantu isla kaa rogtaa sidda " Raggii ma adigaa ka hadhay".


Hawo nimay fogay-saba dan baa hoos u soo celine, waa la hubaa in uu askarigu ilmadda daadin doono wakhaan fogayn. Tix baa waxa ka mid ahaa dhawr bayd oo sharaxaaya, qofka kaadso laga waayo, markuu meel aan wax laga qaban karin gallo, buu hadhaw badhadhac-leeyaa siddii awr xadhaadhay ( waa sidda askariga dhegaha xidhane) Murtidda aan doonaayo in aan idin ogaysiiyo waxa weeye, oo micna-heedu yahay, ruux is waala-ba ama wax aanu ahayn is mooda-ba, mar baa waayir xidhaya uu qoorta la galaa, waana tan ee iga hoo akhristaw:-

Calooshiisa la ciyaar iyo midaan, ciil-ba ka baxaynin-iyo,
Cuqadad ruux ku soo koray, kama dhaansho ceel dheere,
Haddii boqor dadku u ciirsan jirey, caadil noqon waayo,
Ama caaqil tallo loo egmaday, caabuq tiri waayo,
Oo Culimadii-yoo fadhidda, calaqad loo yeedho ( sidda askariga),
Ragu wuu cawdaa, dumar-na waa kuwii calaacala'e,
Waa caado aan la arki jirin, curad-na ma ahayne,
Wiilkii ciyaarha bad-sadda, mar baa cirir ku ciiraaye,
Badu-ba mar bay caaridaa, oo ciidda la arkaaye ( Sunaami baa dhaca),
Cosob daaqa geela-na mar baa, ciin u weheshaaye,
Kibir ruuxa cararaa mar buu, eersan caga-hiise,
Cidla goorta uu tago, buu cataab badine,
Cagtii joogsan waydaa mar bay, Ceeb la kulan-taaye.

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, sidda uu sheegaayo cinwaanka maqaalku, haddii aad kii xaajadda kaa murku-catay, hagaajin lahaa aad u diido, oo mid meel baas ka tuuraaya garab sii siiso, waxay taasi la mid tahay, adiga oo Sheekh Dirir, Sheekh Aadan Siiro iyo Sheekh Mustafa Ismaaciil aad dhegaha ka furaysato, oo reer hebel ahaan u tidhaaho, sheekhaasi anaga maaha oo wax-ba ii sheegi maayo, bede-kee-dana aad calaqadda islaamaha sitaad u tunta ku daba lunto, lana gablayso mid aanay uba bilaab-nayn ( Sidda Askariga), saw adigu halkaas is maad dhigin. Markii aad durbaanka u garaacdeen kuwo ka sii xun, kana cilmi liita calaqadda ( Waa geenyo shaaximan iyo raggii ma adigaa ka hadhaye). Waxad kolkaas si cad u dumseen, una baabi'iseen magacaii "Somaliland", oo waa taas qarja-jac iyo kaladh-is-laac ka bixi wayday, rajo iyo qiil u laaban oo dambe-na tan uma hadhin ( Waa Somalilande) Horaa loo yidhi "Isma doorsho awrkii xun iyo aarankuu dhalaye" Labadda asakrig iyo inta korom-koro idinku sare tagtay, ee xataa baloodha-diinii idinku haysta, markii wixii ummadda ka dhaxeeyey dabadda loo soo rogay, ee laaga soo hoyday, waa idin-kaas arkaaya ha;lka uu maraayop dalkii iyo dadkii, sidaana waxa ugu wacan munaafa-qiinta aan qawl iyo mabda mid-na laahyn, maxaad boob-taan mooyaane, ee ka siteeya hadaba, waad ku qaran la'dihiine.
* N.B Kibir Ruuxa Cararaa Mar buu, Eersan caga-hiise.
Qore:- Abdi-shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...