Xukuumada Muuse Biixi Oo Xidhaysa Kastamka Balli-gubadle Iyo Booyado Sida Shiidaal Oo ku Xaniban

0
Saturday January 11, 2020 - 20:41:31 in News by
  • Visits: 3332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Xidhaysa Kastamka Balli-gubadle Iyo Booyado Sida Shiidaal Oo ku Xaniban

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Xidhaysa Kastamka Balli-gubadle Iyo Booyado Sida Shiidaal Oo ku Xaniban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Xidhaysa Kastamka Balli-gubadle Iyo Booyado Sida Shiidaal Oo ku Xaniban


Hargeysa(HWN):-xukuumada Muuse Biixi ayaa magaalada Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd ku xayirtay laba booyadood oo shiidaal ka keenay dalka Itoobiya.

Natiijada sawirka kastamka balligubadle


Xukuumada Muuse Biixi oo aan raali ka ahayn inuu shaqeeyo kastamka magaalada Balligubadle isla markaana hore u shaacisay cashuuro lagu soo rogay shiidaalka ka soo gala si loo joojiyo ayaa hada u muuqata inay sii balaadhisay caqabadaha ay hor dhigayso shaqada kastamka Balligubadle.


Sida ay sheegeen warar la soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews Labada booyadood oo ka mid ah kuwa shiidaalka qaada oo ka yimid wadanka Itoobiya ayaa ilaa hada ku xaniban kastamka magaalada Balligubadle iyada oo xukuumada Muuse Biixi si weyn uga xumaatay inay soo maraan.


Booyadahan oo kastamka u soo maray in la cashuuro shiidaalka ay sidaan ayaa haatan lagu haystaa sababta ay soo marten kastamkan balligubadle ee ay u mari waayeen kastamo kale oo loo leexiyey.


Booyadan ayaa iyada oo lagu ganaaxayo kastamka Balli-gubadle ee ay mareen waxa lagu amray inay bixiyaan cashuuraha dheeraadka ah ee la duldhigay kastamka Ball-gubadle halka ay iyaguna ku doodayaan inay bixinayaan cashuuraha ay ku maraan kastamada kale, arintaas oo keentay in booyadahaasi ay ila hada ku xayirnaadaan kastamka magaalada Balligubadle.


Dhinaca kale wararka soo gaadhaya Hadhwanaagnews ayaa sheegaya inaanay ilaa hada jirin dedaalo socdo oo lagu furdaaminayo booyadahan ku xaniban kastamka magaalada Balligubadle.


Xukuumada Muuse Biixi ayaa hore u shaacisay inay kordhisay cashuuraha laga qaado shiidaalka soo mara kastamka magaalada Balligubadle si loo xidho kastamkaasi, iyada oo wasiirka maaliyadu hore u shaaciyey in booyad kasta shiidaal sida oo kastamka Balligubadle soo marta lagu kordhiyey cashuur gaadhaysa $350.

Loading...
Loading...