Dhakhaatiir Somaliland ah oo Socdaal Aqoon-korodhsi ku Tegi Doona dalka Taiwan

0
Wednesday February 27, 2019 - 09:34:31 in News by Super Admin
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhaatiir Somaliland ah oo Socdaal Aqoon-korodhsi ku Tegi Doona dalka Taiwan

    "Horumarinta Aqoonta Waxbarasho iyo Gargaarida Shacabkeenu waa muhiimadayada koowaad..." Safiir Ayaan Maxamuud Cashuur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Horumarinta Aqoonta Waxbarasho iyo Gargaarida Shacabkeenu waa muhiimadayada koowaad..." Safiir Ayaan Maxamuud Cashuur.

London- Safiir Ayaan Maxamuud Cashuur ayaa shaaca ka qaaday in shan dhakhar oo ka socda cusbitaalada guud ee magaalooyinka Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Berbera & Boorama dhowaan socdaal aqoon-korodhsi ku tegi doonaan dalka Taiwan.

Qoraal safiir Ayaan M Cashuur ku baahisay barteeda Facebook oo lagu sheegay in dhakhaatiirtaasi tababaro ku soo qaadan doonaan Cusbitaalada ugu wanaagsan dalka ayaa u dhignaa sidan:

"La-taliyaha Ganacsiga xafiiska JSL ee dalka Ingiriiska Maxamuud Warsame Boos & Annigu waxaan casuumad ku qaabilnay wakiilo ka socday Xafiiska Taiwan ee UK,isla markaana uga mahadcelinay saaxiibtinnimada, taageeradooda, qeyb ka tahay deeqaha waxbarasho ee dhakhaatiirta Somaliland.

Qoraalka ayaa la raaciyey, "Waxaan ku faraxsan nahay in shan dhakhtar oo ka kala socda Cusbitaalada guud ee magaalooyinka Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Berbera & Boorama ayaa dhowaan u socdaali doona tababar ay ku soo qaadanayaan cusbitaaalda ugu wanaagsan ee dalka Taiwan.

Waxa sidoo kale ku xigi doona deeq waxbarasho dhamaystiran oo laba dhakhtar ku biiri doonaan, deeqaha Dr Musa Xassan & kuwa kale ku joogaan. Horumarinta aqoonta waxbarasho iyo gargaarida shacabkeenu waa muhiimadayada koowaad.”

Dedaaladan Safiir Ayaan & hawlwadeenada xafiiska Somaliland ee dalka Ingiriiska u qaadeen kordhinta aqoonta dhakhaatiirta Somaliland iyo xidhiidhada dhow ee dhexmaray dhigooda dalka Taiwan ayaa la saadaalinayaa inuu wax badan ku kordhin doono horumarka dalka & dadka Somaliland.


Loading...
Loading...