Muuse Biixi Oo Wali Fidno Kula Dhex Wareegaya Saldanada Guunka Ah Eebeelaha Habar Awal !!!!

0
Saturday January 11, 2020 - 17:32:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Wali Fidno Kula Dhex Wareegaya Saldanada Guunka Ah Eebeelaha Habar Awal !!!!

    Sidaynu ka warhayno madaxweyne hada talada haya isagoo xisbi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaynu ka warhayno madaxweyne hada talada haya isagoo xisbi
ah oo gudoomiye xisbi ah oo u tartamaya inuu dalka xil ka qabto u tafa xaytay siduu ku baabin laha saldanada guud ee beelaha habar awal isla markaana sameyey suldan waraabe u taag ah siduu u wiiqi laha suldanka guud ee beelaha habar awal suldan xasan suldan Cabdilahi  isagoo dharar cad abuubulay odayal ay xigto yihiin lacag na u dhiibay hudhel wiil u adeeer yahayna so kireyey halkas ku calemo saray suldan waraabe u taag oo cidna matilin 



Wa dhcday in ay amakaag ku noqotay guud ahaan beelaha somailand gaar ahaan beelaha habar awal oo arin ugub ah waligeedna hore u dhicin ah inuu muuse isku dayey inuu baabiyo saldanada qoyska reer suldana iskugu dhiibo midida si ay isku dhex yaceen oo fidno uga dhex abuuranto
Laakin taasi ma dhicin leebeentii iyo cuqashii reerka ayaa ganafka ku dhuftay kana so horjeestay iskuna xidhay musharaxnimada muuse iyo suldan ka oo shegay hadii carqlada laga dayn waayo saldnada in muuse musharaxnimadiisu ay laalantahay waawan iyo faqid dheer ka dib suldanka xaal la sii ducana loogu dar codkii muuse ku so bixi lahana doon la yidhi waa askarigas aad suldanka u tahaye haye yidhi codkiina keen muuse na so bax


Ka dib waxa dhacay inuu muuse malintuu korsigii isku hubsaday inuu suldanki albaabka ka xidhay isago suldan kii ay daba socden 200 oo eegay oo besha habr awal codkina la doontay muuse oo ay suldanka ku leyihin waar suldan codkii keene maynan xaqal shaah lahayn mise adigaa dhexda u galay  iyo xaasha muuseba albaabkii xidhay 


Ka dib suldanka marlabaad waxa lagu so soo istaadhay suldankii waraabe u taaga ahaa oo intuu cumamad qaatay melahas magaca saldnada ku maray malin cad tasoo ka hor imanaysa saldanada iy xeerarka u yaal  waxaas oo fidno ahna waa maalgalinaya hagayana ninkaas aan kala garanayn kursigu ku fadhiyo iyo arimuhu ku jiro waa madaxweynehee


Isku so wado duboo beesha uu suldaanka guud ka so jeedo ee reer axmed cabdalle iyago arimaha dusha kala socda cida fidmada wadana og hadana iyado u tudhaysa magaca iyo sharafta saldnada ay hayaana ilaalinaya arinkaas waxay uga hadheen guud ahaan beesha habar awal 


Waxa la yidhi dhuumashada dhabarku muuqdaa waa ceebe madaxweyne muuse sidii kuma joojine halkisiinayuu ka sii watay oo beesha saldnada wixii ay xil dowlada ka haysay waa ka tiriyey oo mid mid ayuu u bar tilmaamsaday oo waa la ogyahay lakin waxa la yidhi ninkasta wuxu tabcada aakhiro u yaal oo muuse mudo xileedkiisu waa 5 sano 
Oo hangaraarac lug uma dhutiyo oo beriba waa la noolyahey

Beesha sharafta leh ee saldanada guud ee beelaha habar awal markii ay yaabtay waxay iclaamisay shir duco iyo aayo ka tashi oo ay ka shirayso arimaha meeqamka saladanada ta deganadooda iyo sharaftooda weerarka lagu yahay shir aad u qiimo madan oon beeshu mudo dhowr iyo labatan sano in ka badan aanay iskugu iman ayey isku heleen banka balayalay ee harta sheekha halkas oo beeshu shir weyn oo dhagaha loo tagayey ku qabsatay xitaa fulaygu shakiyey


Beeshan oo ka mid ah beelaha waaweyn ee sacad muuse isla mar ahantaana ah meelaha ugu deganka baladhan laf dhabarna u aha beelaha sacad muuse waxay shirkaas ku goefeeyen duulanka qaawan ee geedka aan lagu so gaban ee lagu so qaaday saldnada ay hayan ee waliba la isku dayey in ay iyaga ka dhex qaraxdo laakin nasiib wanaag beeshu iyado ah beel baladhan mudo badana so talinaysay arimaheega iyada maaraysay dhibato badana kamay dhex dhicin sidii loogu tala galay ee midiyaha la iskugu dhiibay ilahay ba mahad leh


 Shirkaas waxa ka so baxay goor qodob oo muhiim u ah beesha iyo guud ahaan dowlada ay dagan yihiin waa itoobiya iyo somaliland  qodobka ugu weyni wuxu aha in ay beeshu digniin culus u dirtay cid kasta oo ku howlan duminta iyo wiiqida saldnada beeshu hayso inay jawaab adag ka bixini doonan ilalin doonana karamada iyo sharafta saladanada ay hayaanba cid kasto faraha kula jirtana ay gacan bir ah ku qaban doonan 
Qodobka labaad oo ahaa in beshu dhexdeda wixi khilaf ah ay xaliso kana shaqeyso wada jirka iyo horimarka beesha iyo deganadooda 


Filo hagardaamoyinkii la iskugu dayey wiiqida awooda saldanda iyo cidi ka shaqeysay maalmo dhow

Osman jama
Birmingham city

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...