War Deg Deg Ah: Saxafi Cabdiqaadir Coday Oo Saaka Lagu Riday Xukun Iskugu Jira Xadhig Iyo Ganaax.

Saturday January 11, 2020 - 11:21:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Saxafi Cabdiqaadir Coday Oo Saaka Lagu Riday Xukun Iskugu Jira Xadhig Iyo Ganaax.

    Hargaysa (HWN) Suxufi Cabdiqaadir Cismaan Casayr (Cabdiqadir Coday)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Suxufi Cabdiqaadir Cismaan Casayr (Cabdiqadir Coday)
oo ah tifatiraha HCTV ayaa saaka maxkamada Gobolka Maroodi-jeex  ku xukuntay 1sanno oo xadhig ah iyo 3Milyan oo SL Shilin ah Taasi  oo ganaax lacageeda, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay agaasimaha telefishanka HCTV  Maxamed Ilig barta uu ku leeyahay facebook-ga.


Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa kiiskiisu waxa uu ka socday maxkamadda Gobolka Maroodi jeex ee magaalda Hargaysa tan iyo Bishii November waxaana  saaka laga gaadhay go'aan kama Danbaysta ah.


Muddadii uu xidhnaa cabdiqaadir coday dhawr goor oo is xig xiga ayaa xanuun loo geeyay Dhakhtarka  .

Saddexdan caruurta ahna waxa dhalay cabdiqaadir codey waxaaney Rajo badan Ka qabeen aabahood inuu heli Doono Cadaalad balse may dhicin arintaasi sawirka waxa kula Jira  Agaasime mohamed Cabdi illig.


Agaasime Maxamed Ilig oo ka hadlay sida uu u arko xukunka saaka ku dhacay Cabdiqaadir Cody ayaa yidhi "Waxaan Aad iyo aad Uga Xumahay Xadhiga Cadaalad Darada ah ee ku dhacay Cabdiqaadir Cismaan Casayr”


Muuse Biixi ayaa sannadkan dhamaaday u adeegsaday warbaahinta sideetan jiro kujira maamulkiisa oo ay kamid yihiin Maareeyaha Guud ee Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cabdi Maxamed Rodol oo dhibanaha koowaad ka ah dacwada loo haysto Cabdiqaadir Coday sida uu rodol ku doodayo  iyo Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cali Baqdaadi (Dhukuur Tuug ) ayaa musuq maasuq baaxad way oo uu gaystay kuna takri falay hantidii qaranka ayaa ku dooday in shabakada Hadhwanaagnews laga booqan karin Hargaysa isla markaasna xidhay Wariyayaashii Hadhwanaagnews isagoo amray in jidh dil loogaysto, taasi oo ku tusaysa in masuuliyiinta Somaliland ay awoodooda u isticmaalaya shaadhka ay gashanyihiin.



 

Loading...
Loading...