Amar Ka Soo Baxay Wasiirka Gaadiidka Oo Sababay In Dawladu Weydo Dakhligii Kastamka Berbera

0
Friday January 10, 2020 - 16:07:28 in News by
  • Visits: 3400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amar Ka Soo Baxay Wasiirka Gaadiidka Oo Sababay In Dawladu Weydo Dakhligii Kastamka Berbera

    Amar Ka Soo Baxay Wasiirka Gaadiidka Oo Sababay In Dawladu Weydo Dakhligii Kastamka Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amar Ka Soo Baxay Wasiirka Gaadiidka Oo Sababay In Dawladu Weydo Dakhligii Kastamka Berbera


Berbera(HWN):-Sadexdii dharaarood ee ugu danbeeyay wax dhaq dhaqaaq ahi kamuu socon Kastamka ugu weyn ee cashuuraha ee magaalo xeebeedka berbera isla markaana kamuu soo xeroon dekhligii maalinlaha ahaa ee dawladu ka heli jirtay.


Arrintan ayaa ka dhalatay Sida ay sheegayaan ilo wareedyo u dhuun daloola hawlaha kastamka berbera kadib markii Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mudane C.laahi Abokor uu soo saaray qoraal uu ku amrayo in aanay dekeda geli karin gaadiidka waaweyn ee soo daabula bucshiradaha ganacsi , Waxa uu amarka Wasiirku intaas ku daraya in gaadiidka keliya ee dekeda geli karaa ay ka diiwaangashan yihiin Iskaashatada Gaadiidka waaweyn ee ka jirta Berbera.





Hasa yeeshee waxaa amarkan ka biyo diiday Gaadiidka waaweyn ee Shirkadaha Oomaar iyo Sabowanaag oo ah Shirkado si maalinle ah agab ganacsi oo badan kala soo dega dekeda berbera Sida ay xoguhu tibaaxayaan labadan shirkadood ayaa ku doodaya inaanu khusayn amarka Wasiirka gaadiidku maadaama gaadiidkooda lagu qaadin agabka ganacsi ee aanay iyagu lahayn halka gaadiidka ka diiwaangashan Iskaashatada baabuurta waaweyni ay daabulaan Shixnadaha ganacsi ee Shirkadaha aan gaadiidka lahayn oo ay ka macaashaan.


Xoguhu waxay sheegayaan inay Kulan laba geesood ah wada yeesheen Mas'uuliyiinta Shirkadaha Oomaar iyo Sabowanaag iyo Wasiirka gaadiidka iyo Horumarinta jidadka iyagoo u bandhigay cabashada ay ka qabaan go'aanka uu soo saaray hasa yeeshee Wasiirka ayaa la sheegay in aanu wax garawshiiyo ah ka bixin tabashada shirkadahan ee gaadiidkooda loogu diiday inay dekeda galaan si ay ugala baxaan Bucshiradahooda ganacsi ilaa ay iska diiwaangeliyaan Iskaaashatada baabuurta waaweyn.


Amuurtan ayaa sababtay in Xukuumada dhexe ay ku weydo dekhligii uga soo xeroon jiray kastamka weyn ee dhaqaalaha dalku ku tiirsan yahay ee Berbera.


Sidoo kale Agabka ganacsi hadii Sadex cisho gudahood lagaga qaadi waayo dekeda Waxay shirkada maamusha dekeda berbera ee DPWORLD ay ka qaadaysaa khidmad cashuureed dheeri ah.


Ma aha markii kowaad ee wasiirka gaadiidka iyo Horumarinta jidadku uu soo saaro go'aamo saamayn taban iyo mid sharciyeedba ku yeelanaya dhaqaalaha dalka, Waxa uu wasiirkani heshiis ula galay Shirkada samaysa bilaydhada ( Taarikada) gaadiidka taas oo uu dhawaan Madaxweynuhu Joojiyey.


Suxufi Cabdilaahi Xasan Faarax

[email protected]

Loading...
Loading...