Faallo:-Shacabka Hargeisa oo Farriin Adag u diray Kornayl Muuse Biixi!

0
Friday January 10, 2020 - 14:16:41 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Shacabka Hargeisa oo Farriin Adag u diray Kornayl Muuse Biixi!

    Hargaysa(HWN):-Waxa Khamiistii shalay ee 9-kii bisha Jannaayo 2020-ka si diirran oo miisaan leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Waxa Khamiistii shalay ee 9-kii bisha Jannaayo 2020-ka si diirran oo miisaan leh
Hargaysa(HWN):-Waxa Khamiistii shalay ee 9-kii bisha Jannaayo 2020-ka si diirran oo miisaan leh loogu soo dhaweeyay Caasimadda Hargeisa ee Somaliland Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wefti ka tirsan Xisbigiisa oo uu hoggaaminnaayay, kuwaasoo safar shaqo oo toddobaad qaatay ku tagay dalka Brundi iyo Ethiopia oo ay ku soo danbeeyeen, kadib kulamo ay ku lahaayeen awgeed.
Image result for muuse biixi cabdi


Waxa soo dhawaynta Weftiga Guddoomiyaha Xisbiga UCID ka qayb-galay Madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, dhammaan-ba Madaxda, Saraakiisha Xisbiga UCID iyo taageerayaashoodda, Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Odayaal dalka magac ku leh iyo guud ahaan Shacabka Caasimadda Hargeisa, ayaa Faysal Cali Waraabe ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa,iyaddoo Dadku baddiba ay ka biyo-diiddeen Warar dhinaca Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi ka soo baxaayay.

Soo dhawaynta diirran ee lagu qaabillay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxay ka danbaysay, kadib markii ay toddobaadkii hore si wayn u soo shaac-baxday in Qoyska Madaxweyne Biixi ay dacwad ka dhan ah Guddoomiye Faysal Cali Waraabe u gudbiyeen Maxkamadda gobolka Hargeisa, taasoo aad uga yaabisay, isla markaanna Shacabka Somaliland aad uga cadhaysiisay Xadhiga dulmiga ah ee karkaarrada jebiyay, kaasoo ay u arkeen inuu halkii u danbaysay gaadhay kol haddii uu marraayo guddoomiyeyaashii Xisbiyadda qaranka Somaliland.

Shacabka ku dhaqan Caasimadda Hargeisa ee Somaliland iyaggoo ka darreen celinnaaya Dacwadda ka dhanka ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ee ay Maxkamadda u gudbiyeen Qoyska hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa abaabulka iyo soo dhawaynta baaxadda leh ee lagu qaabilay Weftiga guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxay ahayd dhirbaaxo ku dhacday Kornayl Muuse Biixi Cabdi oo talo iyo garasho isugu geeyay Xadhig iyo Masaakiin dan-yar ah oo uu balloodhaddooda ku qabsaddo.

Dadka falan-qeeya siyaasadda Somaliland ayaa bannaan-baxii weynaa ee Kummannaanka ka tirsan shacabka Caasimadda Hargeysa ay sidda diirran ugu soo dhaweeyeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Waftigiisii waxay ku tilmaameen inay ahayd Farriin adag oo ku socota Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo si kakan oo Sharciga khilaafsan Xadhig ugu bilaabay labadda Xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, iyaddoo Xadhiga sharci-daradda ah ee Muwaadiniintunna uu la kowsadday Madaxtinnimadiisa, waxaanna Xabsiyadda dalka ku jira Boqollaal Muwaadiniin ah oo u xidhan rayigoodda, iyaddoo aan la tix-gelin madax-bannaanida uu Distoorku siiyay in ruux weliba uu aragtiddiisa u cabbiri karo si xorriyad ah oo Hadal, Qoraal iyo Sawir intaba noqon karta.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la gudboon Kornayl Muuse Biixi Cabdi innuu ka fiirsaddo talaabooyinka uu qaaddaayo, isla markaanna aannu dhaliisha Xisbiyadda mucaaridka ah, Shacabka rayigoodda cabbiraaya iyo waxyaabaha ay ka qorayso Warbaahinta madaxa-bannaani aannay kaga fal-celin Xadhig iyo Cabu-dhin, ha-yeeshee fal-celintooddu noqoto mid hufan oo toggan oo berri yeellaysa, maaddaama ay gacanta ku hayaan Masuuliyad ummaddeed.

Hadhwanaagnews,Office
Hargaysa,Somaliland

Loading...
Loading...