Xiisadda Mareykanka Iyo Iiraan: Shan Arrimood Oo Laga Fahmay Khudbaddii Trump

0
Friday January 10, 2020 - 08:35:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisadda Mareykanka Iyo Iiraan: Shan Arrimood Oo Laga Fahmay Khudbaddii Trump

    Habeenimadii ay Iiraan gantaallo 10 ka badan la dhacday saldhigyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeenimadii ay Iiraan gantaallo 10 ka badan la dhacday saldhigyo
ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Ciraaq, iyagoo ka aargoosanaya dilkii ay Washington u geysatay janaraalkii Iiraan ee Qassem Suleimani, Donald Trump wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in "wax walba ay hagaagsanaayeen".

Markii uu waaga baryay, wuxuu madaxweynuhu isku dayay inuu sharraxaad ka bixiyo sababta uu arrinta sidaas ugu arko.



Kuwani waa qodobbadii ugu muhiimsanaa ee khudbaddii 10-ka daqiiqo ahayd ee uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, xilli ay sii xoogeysaneysay xiisadda u dhaxeysa labada waddan.


Carada dantay

"Iiraan waxay u muuqataa inay gadaal u dageyso, waana arrin u fiican dhammaan dhinacyada ka walaacsan xaaladdan waliba waxay u wanaagsan tahay caalamka".

Su'aasha uu qof walba isweydiinayay markii ay gantaallada Iiraan dhaceen waxay ahayd waxa xigi doona ee uu Mareykanku sameyn doono.


Laakiin Trump oo aan tallaabadaas u arkin mid xaaladda sii xoojineysa wuxuu sheegay inuu carada dajinayo.


Wuxuu madaxweynaha Mareykanka sheegay in uusan wax khasaare ah ka dhalanin weerarka lagu qaaday labada saldhig ee ay ciidamada ku lahaayeen Ciraaq, taasina ay ka dhigantahay in aan ficil milatari looga jawaabi doonin.


Hase ahaatee wuxuu Trump khudbaddiisa ku sheegay inuu cunaqabateyno kale oo dheeraad ah dul dhigi doono Tehran.


Waxba nama soo gaarin

"Dilkii aan ku fulinnay Soleimani, wuxuu ahaa farriin culus oo aan u dirnay argagixisada: Haddii aad naftaada qiimeyneysid, looma baahna inaad halis galisid nafta dadka kale".


Inta badan khudbadda madaxweyne Trump waxay ku saabsaneyd howlgalladii uu horay u fuliyay Mareykanka, mana uusan diiradda ku saareynin waxa soo socda.


Wuxuu hadalkiisa diiradda ku saaray sababta loo dilay Soleimani - oo ahaa "ninka ugu sarreeyay argagixisada adduunka", waa sida uu Trump hadalka u dhigaye - iyo waliba in dilkiisa uu ahaa mid mar hore loo baahnaa.


"Soleimani gacmihiisa waxaa ka dareerayay dhiigga dadka Mareykanka ah iyo kuwa Iraan labadaba", ayuu yiri, isagoo sharraxayay sida uu u taageeri jiray kooxaha uu Mareykanku ugu yeero argagixisada.


Dhacdadii dilka sarkaalkaas iyo ficilladii ka dambeeyayba, Trump wuxuu sheegay in Mareykanka uusan wax khasaare ah kasoo gaarin.


Laakiin qaar ka mid ah dadka arrimahan falanqeynayay ayaa ka digay inay jiri doonaan tallaabooyin kale oo xigi doona waxa ilaa hadda dhacay.


Eedeyn kale oo uu ujeediyay Obama

"Gantaalladii xalay nalagu soo riday annaga iyo xulafadeennaba waxaa kharashkooda bixiyay maamulkii hore ee ugu dambeeyay".


Intii uu Trump xilka hayay wuxuu ku dadaalayay inuu burburiyo dhammaan waxyaabihii uu hirgaliyay madaxweynihii isaga ka horreeyay.


Waxyaabaha uu meesha ka saaray waxaa ka mid ah heshiiskii nuclear-ka Iiraan, barnaamijkii caafimaadka ee Obama Care, eedeymo isdaba joog ahna wuu u jeediyaa maamulkii hore.

Wax lala yaabo ama lama filaan ah ma aysan ahayn in uu Trump khudbad qaranka laga wada daawanayay uu mar kale ku cambaareeyo Obama.


Barnaamijka nuclear-ka Iiraan waxaa laga wada xaajooday xilligii uu mareykanka madaxweynaha ka ahaa Barack Obama. Waxaa markaas la fasaxay hanti balaayiin doolar ah oo ay lahayd dowladda Iiraan, taasoo bangiyada Mareykanka lagu xayiray wixii ka dambeeyay kacdoonkii Iiraan ka dhacay 1979-kii.


Waan horseedi karaa inuu Mareykanku ka baxo bariga dhexe

"Maanta, waxaan isbahaysiga NATO ka codsanayaa inay ku lug yeeshaan arrimaha ugu badan ee bariga dhexe".


Farriinta uu Trump u dirayay waddamada kale ma ahayn mid ku saabsan in laga wada xaajoodo heshiis cusub oo laga yeesho barnaamijka nuclear-ka Iiraan. Balse wuxuu doonayaa in Nato, oo dhinaca milatariga xulafo kala ah ay la safato. Halkaasise wuxuu ka hor imaanayaa dhaliilihii uu sida joogtada ah Trump ugu jeedin jiray gaashaanbuurta Nato.


Hadda oo uu dhacay weerarkii lagu beegsaday sarkaalka sare ee reer Iiraan, kaasoo horjeedi kara dagaal toos ah oo dhex maraya Mareykanka iyo Iiraan, wuxuu isku dayayaa inuu xiisadda dajiyo.

Wuxuu xitaa soo hadal qaaday in Washington ay faraha kala bixi karto arrimaha bariga dhexe


Iiraan ayaa waxyaabaha ay Mareykanka ugu gooddineysay waxaa ka mid ah in laga saari doono gobolkaas.


Si kastaba, ma sahlana inuu Mareykanku lugaha kala baxo bariga dhexe.

Farriinta culus ee 2020-ka


"Inta aan anigu madaxweyne ka ahay Mareykanka, Iiraan waligeed looma oggolaan doono inay yeelato hubka nuclear-ka".


Madaxweyne Trump wuxuu khudbaddiisa ku billaabay horudhac, sida ay warbaahinta ku tilmaameen.


Isagoo aan xitaa dhihin subax wanaagsan ayuu guda galay inuu hadallo adag jeediyo.

Marka uu khudbaddaas jeedinayay waxaa garbihiisa taagnaa saraakiisha ugu sarreysa milatariga Mareykanka.


Hadalladii ugu adkaa ee uu adeegsanayay waxaa ka mid ahayd inuu wacad ku maray in Iiraan aysan hubka nuclear-ka heli doonin inta uu madaxweyne yahay.


Lama oga in uu Trump faa'iido siyaasadeed ka heli karo xiisaddan cusub ee ka dhex aloosantay Iiraan iyo Mareykanka, iyadoo la ogyahay in sanadkan dhammaadkiisa ay dhaceyso doorashada madaxtinnimada ee uu loollanka adag ku wajihi doono.



BBC

Loading...
Loading...