Hadal haynta ugu badan magaaladda Gabiley waa Maktabad ( Library ) laga dhisayo

0
Friday March 29, 2019 - 09:22:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadal haynta ugu badan magaaladda Gabiley waa Maktabad ( Library ) laga dhisayo

    Su'aalaha la iska waydiinaya waxay tahay meesha laga dhisayo oo ah Cisbitaalkii Qadiimiga aha ee Ingiriiskii ka dhisay oo dhismayaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Su'aalaha la iska waydiinaya waxay tahay meesha laga dhisayo oo ah Cisbitaalkii Qadiimiga aha ee Ingiriiskii ka dhisay oo dhismayaal

badan ku yaallaan, taas oo mustaqbalka cisbitaalku ka maarmi doonin.

dhismayaasha ku yaalla oo lacag ku dhow sodon kun lagu burburinayo, taas oo wax kale looga faa’iidaysan lahaa haday tahay dhismaha la burburinayo iyo dhaqaalaha ku baxayaba.

Miyaa loo waayey dhul banaan oo dhismaha cusub laga hirgaliyo inta dhul cisbitaal leeyahay laga dhisayo ama dhismahaasi hore la duminayo ee lacag ku baxayso.

Waxa kale ee la is waydiinayaa shirkadda dhisaysa oo wali la shaacin tartanna loo galin, waxa kale oo dhismaha maktabada la socota makhaayad iyo goobo lagu jimicsado iyo qayb beero ah, qaybaha ganacsiga ee maktabada ku lamaan ma dawladaa leh mise dad shicib ah.

Lacagta ku baxaysa maktabadaasi waxay dhan tahay afar boqol iyo sodon kun oo dollar (waa dhismo la dhisayo iyo dhisme la burburinayo lacagta ku baxaysa), boqol kun dawlada hoose ee Gabiley bixinaysa, laba boqolna wasaarada waxbarashada, konton kun nin ganacsade ah, inta soo hadhayna qaadhaan baa lagu soo ururinayaa.

Wasaarada waxbarashada ee bixinaysa labada boqol ee dollar, waxa ka aradan waxbarashada gobolka oo kormeerka waxbarashadda ee gobolka Gabiley waxay la’ yihiin dhaqaalihii ay shaqadooda ku fulin lahaayeen, taasina waxay keentay in ardayda laga ururiyo min hal dollar si kormeerka waxbarashda dugsiyada ee gobolka loogu fuliyo.

Su’aalahaasi waa su’aalaha dadku iska waydinayaan dhismaha maktabadda Gabiley National Library oo baryahan la waday, taas oo la dhagax dhigay bishii February 20-keedii oo lagu beegan maalinta dhalinyaradda Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...