Culeys Horleh Oo Soo Foodsaaray Dowladda Iran

0
Friday January 10, 2020 - 08:27:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culeys Horleh Oo Soo Foodsaaray Dowladda Iran

    Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay
in diyaaradii dhawaan kusoo dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas.

Caddeymo ay heleen dalalkaas ayaa muujineysa in gantaal ay riday Dowladda Iran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda Tehran.



Ra'iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa sheegay in loo baahan yahay in baaritaan qotodheer lagu sameeyo waxa sababay shilka diyaaradda oo ay ku dhinteen 176 qof ee saarnaa.


Trudeau ayaa sheegay in ay hayaan maclumaad dhanka sirdoonka ah oo ku aadan arrintaas.

"Caddeymo aan ka helnay sirdoonka xulafadeena iyo kuweenaba waxay muujinayaan in diyaaradda dhacday uu soo riday gantaal ay gantay Iran, waxayna arrinta ahayd mid si ula kac ah loo sameeyay", ayuu ra'iisul wasaaraha Canada.


Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee dalka Ukraine ayaa dhacday saacado un kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq.

Sidoo kale warbaahinta Mareyknka ayaa tabisay in dowladda Iiraan ay si kama' ah u soo ridday diyaaraddii rakaabka ahayd ee laga lahaa Ukraine.


Saraakiisha Dowladda Mareykanka ayaa sheegaya in diyaaradda Ukrainian International Airlines, oo nooceedu ahaa Boeing 737-800, uu ku dhacay gantaal, sida ay tabisay warbaahinta CBS.

Dowladda Ukraine ayaa goor sii horreysay sheegtay inay baaritaan ku heyso sababtii ay u dhacday diyaaradda iyo in uu soo riday gantaal.


Warbaahinta CBS oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa sheegtay in qalabka satellite ee hawada uu qabtay caddeymo muujinaya in diyaaradda uu gantaal ku dhacay.

Dhinaca kale, barnaamijka Newsweek oo soo xigtay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo sirdoonka Mareykanka iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka tirsan sirdoonka Ciraaq ayaa sheegaya in diyaaradda Ukraine uu haleelay gantaal lagu farsameeyay dalka Ruushka.


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay "inuu shaki ka qabay" sababta ay diyaaraddaas usoo dhacday, wuxuuna yiri: "Qof ayaa laga yaabaa inuu khalad sameeyay".

Haseyeeshee Iiraan ayaa meesha ka saartay suurtagalnimada in gantaal uu ku dhacay diyaaraddaas, waxayna sheegtay in eedeymahaas ay yihiin dagaal maskaxeed oo ka dhan Iran.


Maxay tabisay warbaahinta Mareykanku?

Warar kala duwan ayey telefishinka CBS News iyo warbaahinta Newsweek ku sheegeen in saraakiisha sirdoonka ee Mareykanka iyo Ciraaq hayaan caddeymo muujinaya in diyaaradda Ukraine lagu soo riday gantaal ay leedahay Iiraan.


CBS ayaa warbixin kooban ku daabacday bogga ay ku leeyahay Twitter-ka, iyadoo sheegeysa in saraakiishu ay hubaan in diyaaraddaas lagu dhuftay gantaal, isla saacadihii la weerarayay saldhigyada ku yaalla Ciraaq.

Waxay intaas ku dartay in xogtan ay kasoo xigteen sirdoonka Mareykanka.


Dhanka kale, Newsweek oo soo xiganeysa saraakiisha Mareykanka iyo Ciraaq sheegtay in lagu kalsoonyahay xogta ku saabsan in diyaaraddaas uu ku dhacay gantaal lagu magacaabo Tor M-1, oo lagu farsameeyay Ruushka.


Dowladda Iran ayaa sheegtay in sanduuqa madow ee keydiya xogta duulimaadka aysan ku wareejin doonin shirkadda diyaaradda sameysay iyo Dowladda Mareykankaba.

Marka la eego shuruucda caalamka u degsan ee dhanka duulimaadyada ah, Iran waxay xaq u leedahay in ay hogaamiso baaritaannada ku aadan waxa sababay shilka diyaaradda.


Haseyeeshee shirkadda sameysay diyaaradda ayaa farsamo ahaan aanan looga maarmin in ay ku lug yeelato baaritaanka, maadaama dalal kooban oo caalamka ay aqoon u leeyihiin in ay baaritaanka sameeyaan.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee Ukraine ayaa dhacday xilli ay taagneyd xiisadda u dhaxeysa dalalka Iran iyo Mareykanka, waxayna duushay saacado ka dib markii Iran ay gantaalo ku weerartay laba saldhig oo uu Mareykanka ku leeyahay gudaha dalka Ciraaq.


War qoraal ah oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee taabacsan Dowladda Iran ee Mehr ayaa lagu sheegay in madaxa hey'adda duulimadyada rayidka ee Iran, Ali Abedzadeh uu sheegay in Iran aanay sanduuqa madow ku wareejin doonin shirkadda sameysay diyaaradda ee Boeing iyo Dowladda Mareykanka.

"Shilkan waxaa baari doona hey'adda duulimaadyada ee Iran, balse sidoo kale Dowladda Ukraine kaalin ayay ku yeelan kartaa," ayuu yiri.


Wuxuu intaa raaciyay in illaa iyo haddaa aysan kala caddeyn dalka baaritaanka ku sameyn doona waxa sababay shilka diyaaradda, iyo shilkanna in uusan la xiriirin fal "argagixiso".


Dadkii saarnaa diyaaradda

Dadku ku dhintay diyaaradda waxay kala ahaayeen 82 qof oo u dhashay Iran, 63 u dhalatay Canada, 11 Ukraine oo ay kamid yihiin 9 shaqaale ah, 10 u dhalatay dalka Sweden, 4 Afghanistan ah, 3 Britain, iyo 3 Jarmal ah.


Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in dadkii ku dhintay diyaarada 15 ikamid ah ay ahaayeen caruur.

 

BBC

 

Loading...
Loading...