Geela Caymadka Ah Ee Ustralia (Baadi nimaan lahayn bay ag joogtaa)

0
Thursday January 09, 2020 - 20:15:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geela Caymadka Ah Ee Ustralia (Baadi nimaan lahayn bay ag joogtaa)

    Geela caymadka ah ama baadida ah ee kaymaha ustralia ku nool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geela caymadka ah ama baadida ah ee kaymaha ustralia ku nool

waxa uu la nooc yahay geela Somalidu dhaqato waa nooca loo yaqaan dhogor yaraha ah ee hal kurus leh isla markaana faruuryaha dheer,nooca kale ee labada kurus leh waa joogaa lakiin kuma badna.

 

Geelan markii ugu horraysay gumaystihii Ingriiska ayaa waxa uu ka dhoofiyay Qaaradda Aasiya gaar ahaan waddamada India iyo Afghanistan Qarnigii 19aad waxana la geeyay dalkaasi ustralia.

Waxa markii ugu horraysiiyay ku socdaalay dalmareen wariye ah oo u dhashay waddanka Faransiiska oo la odhan jiray "Conrad malt-brun” isla markaana wuu dhiiri geliyay in geela laga dhigan karo gaadiid.

 

1840 kii ayuu neefkii ugu horreeyay oo geel ahi soo gaadhay ustralia,waxana amray in la keeno badhasaabkii Ustralia ee xilligaas George Gowler,sidaas ayuuna ku gaadhy geel badan oo gaadiid ahaa hase ahaatee markii gaadiidka baabuurtu soo badatay ayaa laga maarmay waxana lagu siin daayay kaynta.

 

Sidaas ayuu ku batay kaymaha koonfureed ee waddankasi ustralia waxana maanta lagu qiyaasaa illaa 1.2,000,000 oo neef oo caymad ahi inay ku dhaqanyihiin waddankaas.

 

Waxay u tiriyaan geelu inuu sababo oo wax yeello u gaysto deegaanka isla markaana uu biyo badan fuuqsado meesha uu soo gaadhoba taasina ay keento Cimilada kululaanaysa iyo abaaraha mararka qaarkood dadka ayuu dhibaato soo gaadhsiiyaa ayay ku doodaan.

 

Haddaba xukuumadda dalkaas ayaa olole ku bilowday 2009 waxayna ugu dartay miisaaniyadda AU$19 milion oo lacagta dalkaas ah si loola dagaalamo geelaas waxana sanadkii 2013 lagu qiimeeyay in hoos loo dhigay tiro gaadhaysa 300,000 neef.

 

Sanadkan waxay wadaan olole lagu laynayo 10,000 oo neef waxa ka qayb qaadanaya dagaalka dad xirfad u leh habka loo dilayo geela oo shiish yahan ah,lacagta qofku qaadanaya waxay ku xidhantahay hadba tirada geela ee uu dilo.

 

Waxa hubaal ah hadday maanta noolaan lahaayen raggii Somaliyyed ee aftahanka ahaa ee ay ka mid ahayeen; Cabdi gahayr, qowdhan ducaale,Cumar ustraaliye,faarax afcad,Cali dhuux Aadan,Salaan carrabay,Farax nuur,Raage ugaas iwm inay wax ka odhan lahaayeen ama talo keeni lahayeen ku saabsan geelaas lagu gabood falay ee la silcinayo.

 

Rashiid odowaa

 

[email protected]

 

063-4101213


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...