Qofkii Ugu Horreeyay Ee Kalli Ku Deeqa Isaga Oo La Nool HIV

0
Friday March 29, 2019 - 09:14:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofkii Ugu Horreeyay Ee Kalli Ku Deeqa Isaga Oo La Nool HIV

    Markii ugu horreysay dunida, dhakhaatiir reer Maraykan ah ayaa ku tallaalay bukaan kalli uu ku deeqay qof nool oo qaba caabuqa HIV.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horreysay dunida, dhakhaatiir reer Maraykan ah ayaa ku tallaalay bukaan kalli uu ku deeqay qof nool oo qaba caabuqa HIV.

Qalliinkan ayaa ka dhacay isbitaalka lagu magacaabo Hopkins ee Baltimore, Maryland, iyagoo sheegayna in labada bukaan xaaladdoodu fiican tahay.

"Waa markii ugu horreysay dunida ee qof la nool xanuunka HIV-ga loo oggolaado inuu ku deeqo kelli" ayuu Dr Dorry Segev ku sheegay warbixin say soo saareen.



Markii hore waxa la malaynayey in HIV-gu uu leeyahay khatar badan oo kelyaha ah, haddiiba lagu deeqayo".

Laakiin noocyada cusub ee dawooyinka xannuunkan loo isticmaalo ayaa u muuqda kuwo la isku hallaynkaro badbaadintooda kelyaha.


Dr Christine Durand oo ah borofaysar ku takhasusay daawada iyo cudurka kansarka ama xannuunada maqaarka ka soo baxa lana shaqeeya Johns Hopkins, ayaa sheegay in hawlgalkan caqabadda haysatay ahayd, indhaha dadwaynaha oo u arka HIV-ga xannuun ka duwan xanuunnada kale, halkii ay daaweynta ka sii wadi lahaayeen.

Bukaanku "aad ayay ugu niyadsan yihiin hadyaddan, waxaana aannu hadda la soconaynaa cidhib danbeedka wax ka soo baxa" ayuu ku daray hadalkiisa Dr Durand.

Qaliinkan ayaa la sameeyay Isniintii. Donost Nina Martinez, oo ah 35 jir ka timi Atlanta, ayaa u sheegtay wariyeyaasha inay "dareemayso wanaag".

Wax ay ahayd mid ku niyadsan in ay kellideeda ugu deeqdo "Gray's Anatomy," iyada oo intaa raacisay in ay ku faraxsaneyd in ay qeyb ka noqoto daaweyntan caaafmaad.

"Waan ogaa in aan ahaa qofkii ay sugayeen," ayay tiri. "Qofkasta oo ka fekeraya inuu maro habkan waa wax la samayn karo.

"Waxaan idiin soo bandhigay sida aan aniguba ugu faraxsanahay in aan arko cidda ugu horeysay ee raacda habkan"

Qofka qaatay kallidan ayaa doortay in magaciiso la qariyo balse wuxuu ahaa mid soo kabanaya ayuu yiri Dr Durand.

Horusocodkan ayaa imanaya iyadoo UK na laga sameeyay horumar wayn oo ku saabsan dawaynta HIV.

Waxaa jiray qiyaastii 37 milyan oo qof oo la nool HIV / AIDS sannadkii 2017, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa wali HIV-ga u arka "mid ka mid ah caqabadaha caafimaad ee ugu waawayn dunida".


BBC

Loading...
Loading...