Madaxweynaha Puntland Oo Ganafka Ku Dhuftay Xeerar Ay Ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya

0
Thursday January 09, 2020 - 16:18:38 in News by
  • Visits: 1385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo Ganafka Ku Dhuftay Xeerar Ay Ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya

    Madaxweynaha Puntland Oo Ganafka Ku Dhuftay Xeerar Ay Ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Oo Ganafka Ku Dhuftay Xeerar Ay Ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya


Garoowe(HWN):-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa si cad u sheegay in maamulkiisa uu kasoo horjeedo Xeerka iyo sharciga Batroolka oo ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Natiijada sawirka siciid deni


Waxa uu sheegay in maamulkiisu qeyb ka aheyn xeerka batroolka ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka federaalka, waxa uuna sheegay in hada kadib aysan ka aamusi karin qaladaad uu sheegay in ay socdaan.


Saciid Deni ayaa amaanay Xildhibaanada qalka sare ku matala Puntland uu sheegay in ay isaga baxeen shirka Xildhibaanada Aqalka sare ku ansixinayeen xeerkan kadib markii ay arkeenin la baal maray habraaca lagu ansixinayay xeerkaas sida uu tilmaamay.


Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in wadatashi dhab ah laga yeesho sharciyada masiiriga ah sida dastuurka dhigayo, waxa uuna cadeeyay in shirkii Dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada u bur buray wadatashi la’aanta.


Maamulka Puntland ayaan ku qanacsaneyn xeerka Sharciga batroolka ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, lamana oga diidmada Puntland saameynta ay ku yeelan karto xeerkan la ansixiyay.

Loading...
Loading...