Maamulka Dekada Berbera Oo Amaro Dul Dhigay Doonyaha Iyo Maraakiibta Qada Xoolaha .

0
Thursday January 09, 2020 - 14:35:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Dekada Berbera Oo Amaro Dul Dhigay Doonyaha Iyo Maraakiibta Qada Xoolaha .

    Berbera (HWN) Maamulka dekada Berbera ayaa amaro duldhigay doonyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera (HWN) Maamulka dekada Berbera ayaa amaro duldhigay doonyaha
ku soo xidha dekada Berbera ee Somaliland, gaar ahaan doonyaha xoolaha qaada ee ka yimaada dalka Yaman, sida lagu sheegay waraaq ka soo baxday maamulka dekeda, oo udhignayd sidan:-


Iyadoo la Tixraacayo lana fulinayo amarada ama shuruucda caalamiga ah e ku gadaaman badaha iyo dekadaha oo ah in markab ama doon aan sidan port claerance ayna soo gali karin dekadaha, isla markaana anagoo eegayna xaalada amaan ee ku wajahan bada khaliijka Cadan gaar ahaan dalka yemen iyo gobolka aynu ku nool nahayba



Xafiiska waaxda Bada ee Dekada Berbera wuxuu Amar ku Bixinayaa inaan Loo ogalaan Doon ama Markab aan sidan Port Clearance ay kusoo xidhato dekada berbera.


Xayiraadani waxay toos u khusaysaa doonyah ama maraakiibta ka yimaada yemen, oo amaankooda shaki wayni ka jiro. Amarkani wuxuu hirgalayaa malinta sabtida aha ee bishu tahay 11/1/2020


Maamulka Dekada ayaa intaasi ku daray in ay cadaynayaan in Ganasatada ay hore ugu sheegeen lana socodsiiyeen xayiraadan Qoraalkan ayaa waxaa ku saxeexan oo xafiiskiisa ay kasoo baxday Kabtan Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil


Berbera Port Harboutmaster



Loading...
Loading...