War Deg Deg Ah:-Xeerar Cusub Oo Lagu Ansixiyey Fadhigii Golaha Wasiirada Dawlada Muuse Biixi+Sawiro

0
Thursday January 09, 2020 - 14:30:39 in News by
  • Visits: 2720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Xeerar Cusub Oo Lagu Ansixiyey Fadhigii Golaha Wasiirada Dawlada Muuse Biixi+Sawiro

    War Deg Deg Ah:-Xeerar Cusub Oo Lagu Ansixiyey Fadhigii Golaha Wasiirada Dawlada Muuse Biixi+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Xeerar Cusub Oo Lagu Ansixiyey Fadhigii Golaha Wasiirada Dawlada Muuse Biixi+Sawiro


Hargeysa(HWN):-Fadhigii 52aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday xeerar cusub, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey xeer in muddo ah ay goluhu ka doodayeen.

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor


Ugu horrayn waxa fadhiga maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka Shaqaalaha Rayidka ah X/No 31/2004 oo ay goluhu dooddiisu kusoo jireen, iyada oo wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland warbixin lagaga dhegaystay.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Waxa sidoo kale dood iyo falanqayn dheer uu goluhu ka yeeshay laba xeer oo kala ah:


1. Xeerka Ilaalinta xuquuqda carruurta iyo


2. Xeerka maalgashiga.


ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Loading...
Loading...