Ergayga Qaramada Midoobay Oo Socdaal Ku Jooga Hargeysa iyo Madaxweynaha Oo Uu Maanta La Kulmaayo

0
Thursday January 09, 2020 - 11:42:46 in News by
  • Visits: 1580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergayga Qaramada Midoobay Oo Socdaal Ku Jooga Hargeysa iyo Madaxweynaha Oo Uu Maanta La Kulmaayo

    Ergayga Qaramada Midoobay Oo Socdaal Ku Jooga Hargeysa iyo Madaxweynaha Oo Uu Maanta La Kulmaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergayga Qaramada Midoobay Oo Socdaal Ku Jooga Hargeysa iyo Madaxweynaha Oo Uu Maanta La Kulmaayo

Haragaysa(HWN):-Wefti uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobay danjire James Swan ayaa shalay socdaal shaqo ku yimid magaalada Hargeysa.



Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan socdaalka ergayga, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in socdaalka ergaygu yahay mid caadi ah oo shaqadiisa la xidhiidha, waxaana la filayaa inuu maanta kulan la yeesho Madaxweyne Biixi. Waxa la filayaa inay ka wada hadlaan arrimaha doorashooyinak wakiilada iyo deegaanka iyo caqabadaha hortaagan.


Ergayga ayaa sidoo kale la filayaa inuu xoojiyo aragtidii ay beesha caalamka Madaxweyne Biixi u soo gudbisay bishii hore ee December ee ku saabsanaa fulinta labadii qodob ee ay soo saareen guddigii dhexdhexaadintu ee ahaa in la kala diro gudigga doorashada ee wakhtigan iyo in dib loo soo celiyo guddigii hore ee doorashooyinka.


Danjire James Swan ayaa waxa kale oo la filayaa inuu la kulmo bulshada rayidka ah iyo xisbiyada mucaaradka, waxaana la sheegay in socdaalkiisu yahay laba maalmood.


Ergayga Qaramada Midoobay ayaa bishii Julay wuxuu socdaalkan oo kale ku yimid magaalada Hargeysa markaas oo uu la kulmay Madaxweyne 



Source Geeska 

Loading...
Loading...