Haweenka Qaadka ka ganacsada oo magic cusub u bixiyay Cali Baqdaadi

0
Thursday January 09, 2020 - 08:31:33 in News by Abdikadir Guled
  • Visits: 3137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenka Qaadka ka ganacsada oo magic cusub u bixiyay Cali Baqdaadi

    Cali Baqdaadi (Khaain Dhukur) oo amaaho la baxsaday iyo haween soo bandhigay cabashooyin hor leh oo ka fajiciyay shaqaalaha Baanka Dhexe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Baqdaadi (Khaain Dhukur) oo amaaho la baxsaday iyo haween soo bandhigay cabashooyin hor leh oo ka fajiciyay shaqaalaha Baanka Dhexe

Hargeysa(HWN)- Qaar ka mida Shaqaalaha Baanka dhexe ee Somaliland oo si hoose ula soo xiriiray Shebekada Hadhwanaagnews ayaa waxa ay noo sheegeen in haweenka qaadka bacadka ku iibiyaa ay khaati ka taagan yihiin amaahaha xad dhaafka ah ee ay ku leeyihiin Guddoomiyaha Baanka Cali Baqdaadi.

Haweenka danyarta ah ee qaadka ka ganacsada ayaa ka cabanaya cadadka lacahagaha ay ku leeyihiin Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee uu iska dhego tirayo bixintooda dhawrkii bilood ee la soo dhaafay.

Haweenkan ayaa magic cusub oo ay u bixiyeen Cali Baqdaadi waxa ay ku sheegeen magacaasi Khaain Dhukur, oo ah mid kale oo ka mid ah naaneysaha Guddoomiyaha Baanka.

Shaqaalaha Baanka ayaa noo sheegay in haweenkan ay xafiiska guud ee baanka dhexe ee Hargeysa ay yimaadeen kolkii uu guddoomiyuhu bixin waayey lacagta qaad faro badan oo bilihii u danbeeyay uu uga amaahday macaamiil u badan Haween.

Gudoomiyaha oo ka meer meeraya bixinta khrashka qaadka uu haweenka u iibiyay ayaa bilaabay in uu xafiiskiisa xaga danbe ka galo kana baxo, si aanu u wejihin ganacsatada careysan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa ilaalada Baanka faray in ay kala eryaan ganacsatan lacagaha ku leh ee hordhooban xafiiskiisa hortiisa.

Waxaanu isku deyi donaa inaanu la xiriirno dumarkan ganacsatada ah, si aanu xog dheeraad ah uga helo tacadiya uu Khaain Dhukur ku hayo danyarta qaadka ka ganacsata.


Loading...
Loading...