Taariikhdii Xaaji Aadan Axmed Afqalooc:

0
Wednesday January 08, 2020 - 14:05:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taariikhdii Xaaji Aadan Axmed Afqalooc:

    Xaaji Aadan Axmed oo lagu naaneysi jiray "Afqallooc"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaji Aadan Axmed oo lagu naaneysi jiray "Afqallooc"
sidoo kale lagu naanaysi iray af-dahab wuxu ku dhashay miyiga Ceerigaabo qiyaasihii 1864kii.


Xaaji aadan waxa uu kamid ahaa maansoyahanadii soomaliyeed ee ku maansoon jirtay qayabaha kala duwan ee maansada soomaliyeed haday tahay gabay, geeraar, masafo ama jiifto, ama qayabaha kale ee maansada somalida.


Alle ha u naxariistee xaajigu Waxa uu ahaa badmaax ama badmareen in badan ka xoogsan jiray maraakiibta badaha u kala gooshi jirtey ee isku xidhi jirtey dunida daafaheeda.


Xaaji isaga oo yar ayaa sida ay taariikhdu lagu wariyo libaax u soo dhacay oo uu qaatay oo meel cidlo ah la tagay inkasta oo libaaxii amarka ilaahay uu ka badbaadiyey, isagoo dhiig baxay baa gabadh adhi la joogta kusoo baxday oo u soo qaaday xagaa iyo reerkoodii sidaas ayaanu reerkoodii ugu soo noqday isaga oo dhaawacan inkastoo reerkoodu moodayeen inu dhintay.


Marar kale waxa la sheegaa inu fuulay mid kamid ah looxaanta bada dabadeed looxii ay badii qaadatay oo ay badweynta gaysay oo markii dambe ay heleen niman carab iyo danaakino ah oo bada ka shaqaysan jiray, dhowr sano markay haysteena mar ay kusoo xidheen xeebaha somalida uu arkay nin soomali ah oo la odhan jiray cali gaacir inu inankan yari yahay soomaali ninkii ayaa nimankii kala dagay oo reerkoodii madax furasho kaga qaatay.


Xaajigu wuxu geyiga soomalida ka tagay isagoo sodoneeyo sanadood ah markaas oo uu tagay wadamada carabta isagoo halkaas ka degay wadanka Yemen isagoo waxbarasho Doon ah, sidoo kale wuxu xaaji waxbarasho u tagay wadanka masar gaar ahaan caasimada masar ee qaahira waxaanu waxka dhigtay jaamacada azhar ee masar taas oo mar ahayd jaamacada ugu qaalisan dunida islaamka iyo kuwa gaaladaba.


Xaaji aadan wuxu markii dambe noqday baayac mushtar (ganacsade), sidoo kale xaajigu wuxu si toos ah ula soo shaqeeyey dawladii islamka ee cusmaaniyiinta turkiga, waxaanu kasoo shaqeeyey wadamo badan oo islaam ah sida falastiin, xaaji aadan axmed afqalooc sidoo kale waxa uu kamid ahaa ragii dhisay ciidamadii booliska ee wadanka sucuudi carabiya.


Xaaji aadan wuxu leeyahay taariikh aad u mug weyn oo aan qoraal lahayn xiligeedii sidaa awgeed taariikhda iminka waa wixii ina soo gaadhay ama laga helay dadkii isaga yaqaanay ama ay wada shaqeeyeen.


Xaajigu wuxu ku soo noqday geyiga soomaliyeed isagoo mudo 50sanadood lagu qiyaaso ka maqnaa waxaanu kasoo dagay marsada weyn ee xeebta magaalada  berbera oo markaa ingiriis haysto oo gumaysto qiyaastii taariikhdu markay ahayd 1944.


Xaaji aadan axmed afqalooc alle ha u naxariistee Waxa uu ka mid ahaa hanadadii iyo  geesiyaasha Soomaaliyeed ee halganka dheer u soo galay sidii ay Ummadda Soomaaliyeed uga xoroobi lahayd gumeystayaashii geyigooda ku soo duulay ee kala qaybsaday.


Markii uu berbera kasoo degay wuxu arkay in hindi iyo carab badani wadankii joogto soomalidiina ay ku shaqaysanayso isagoo arinkaas aad uga xumaaday.


Xaajigu dhacdadaas aad ayuu uga xanuunsaday wuxu arkayey in wadankii la dhaxal wareejiyey oo umado kale dheeftiisa kiishash ka buuxsato halka soomaliduna shaqaale ka yihiin dukaanada hindida iyo carabta ee berbera ku yiiley.


Alle ha u naxariistee wuxu halkaas ka tiriyey gabaygii ugu horeeyey markii uu dalka kusoo noqday, xaaji wuxu markiiba isugu yeedhay dadkii soomaliyeed isagoo ku shiriyey xeebta batalaale waxaanu u sheegay in gumaysigu sadex dhardhaar ku taagan yahay ka ugu horeeyana uu yahay ganacsiga isagoo markaas kula taliyey inay somalidu gar u leedahay magaalada iyo ganacsigeedaba gabaygaas oo ciwaankiisa la yidhaa: AMLAAK KUMA LAHAAN JIRIN BERBERA IDILKA SOOMAAL waxaanu yidhi xaajigu:


Xaaajigu wuxu inoogu sheegayaa tuduca 1aad in somalidu idil ahaanteed aanay wax hantiya ku lahayn berbera, nin shaqaale ah mooyee in aanay marnaba somalidu ganacsato ka ahayn ayuu afka inoogu tirayaa,carabtii magaalada dhoobnayd iyo hindidii ganacsiyada ku lahaa ayuu sidoo kale ina xasuusinayaa, wuxu abwaanku alle ha u naxariistee soo ban bixinayaa dhibkii ay somalidii carabta iyo hindida u shaqayn jirtey ay ku qabtay iyo siday adeega ugu diran jireen, sidaa si lamid ah wuxu abwaanku banka keenayaa sidii reer miyigii berbera u soo safri jirey ee xoolaha keeni jirey loogu tacadiyi jirey ee marka ay xoolaha keenaan dukaanada ay wax ka iibsanayaan loogu dhibi jirey iyo sidii ay u necbaayeen carabta iyo hindidu suaalaha dadka reer miyiga ah ee u soo safrey dadkooda wuxu yidhi abwaanku isagoo waxaas oo dhan tilmaamaya:


·       Amlaak kuma lahaan jirin berbera idilka soomaale

·       Nin abaane mooye mushtare lama aqoonayne

·       Afariyo shan carabaan makaan aada ku lahaaye

·       Ardal baaliyaaniyo hindibaa ubuxu saarnaaye

·       Iyagaa asaastaye nin kale kuma ilwaadnayne

·       Adeegay idiin diran jireen aqal aad fiiqdaane

·       Idinkoo afmeerkiyo ka yimid idhanka gaaroodi

·       Oo soo araday oo berbera adhiyo geel keenay

·       Ahminkaaga goortaad gadaad imato daaskooda

·       Hadaad tidhaa astaartiyo maryaha iibku wuxu joogo

·       Afku dhabasho mooyee su’aal ma ogolaanayne.

·       Sida eydiyo dacawaday idin eryaayeene

·       Areer maadiyo  agjoog af xumaa ku ogolaydeene

·       Ihaaniyo quudh baad qabteen edebtu diidaaye

·       Nimankii aduunkiina dhacay idiljiqoomkiisa

·       Iyo carabta reer shexera ee adhaxda gaagaaban

·       Itifaaqyada sabankaa hurdada ku ibtiloowdeene

·       Wax akhbaarta layskugu dirayey ooy ila ekootay

·       Inaad ehlul qubuuriyo tihiin aadmi maytiyo’e

·       Ixsaan kama falayn xoolahay ururinaayeene

·       Ragii dahabka alakoodin jiray eega waa foqore

·       In yar baa hadhee laga kexee aradkii soomaale

·       Ilmaadeeradiin baa ku jira aqaladoodiiye.

 

 

 

Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

 

[email protected]              Ama                         0634240189

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...