Biyo La'aanta Ka Taagan Gobolka Hawd Oo Masuuliyiinta Degmadda Xarshin Ka Jawaabeen.

0
Thursday March 28, 2019 - 18:25:01 in News by
  • Visits: 2460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biyo La'aanta Ka Taagan Gobolka Hawd Oo Masuuliyiinta Degmadda Xarshin Ka Jawaabeen.

    Biyo La'aanta Ka Taagan Gobolka Hawd Oo Masuuliyiinta Degmadda Xarshin Ka Jawaabeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biyo La'aanta Ka Taagan Gobolka Hawd Oo Masuuliyiinta Degmadda Xarshin Ka Jawaabeen.



Hargaysa(HWN)Maamulka Gobolka Hawd ayaa Dhawaan waxa ay soo saareen qaylo-dhan abaareed in ay ka taagan tahay dhamaan degmooyinka hoos yimaadda gobolka hawd oo ay ugu daran tahay biyahu.



Haddaba qaylo-dhaanta ka soo yeedhay maamulka Ayaa waxa ka soo jawaabay oo biyo la soo gaadhay bulshadda ku dhaqan degmadda Bali-Cabane masuuliyiinta degmadda Xarshin ee dawlada deegaanka Somalida itoobiya oo ka Adkaynsan waayay dhibta biyo la’aaneed ee haysata bulshadaasi.


Biyahan ayaa bulshadda waxa ay maamulku soo gaadhsiiyeen saaka oo ay ugu tallo galeen in ay kaga yara raystaan biyo la’aanta ka taagan ee ay ka soo jawaabi wayeen xukuumadii ay ka tirsanayeen.


Biyo La’aanta ka jirta Gobolka Hawd ayaa maalinba maalinta ka dambaysay waxa ay sii gaadhaysaa heerkii ugu sareeyay xukuumadda uu hogaaminayo madaxwayne muuse biixina ilaa hadda lamay gaadhin bulshadda ay masuulka ka tahay ee diihaalka haraadku ku haya gobolka hawd.


Gobolka Hawd ayaa Awal hore ka taagnaa baahiyo xaga caafimaadka,waxbarashadda oo xukuumadihii taladda u kala dambeeyay midna aanu wax ka qaban,waxaana laga dhul sugi doonaa xukuumadina sida ay uga fal-celiso dhibta bulshadda haysata.


Dadka ku dhaqan degmadda bali-cabane ayaa saakaba biyihii loogu deeqay waxa ay u galinee kuyuu taasi oo ku tusaysa Sida ay bulshadu ugu ooman tahay in ay helaan biyo ay ku noolaadaan.


Loading...
Loading...