Sheeko Yar Oo Xigmadaysan Oo Dhex Martay Wiil Iyo Aabihii. W.Q. Abdirashiid Muuse Aadan
Odaygii ayaa eegay Shimbir Ku taagan Geed aan ka fogayn halka ay Fadhiyaan ee xeebta ah.
Odaygii ayaa yidhi wiilkaygiyaw waa maxay waxaa geedkaa ku taagani ?.
Wiilkii ayaa ku jawaabay Aabo waa Tuke.
Isla Su'aashii hore oo kale ayuu mar labaad waydiiyay wiilkiisii Aabihi.!
Wiilkii ayaa isna sidii si lamida ugu jawaabay aabo hore ayaan kuugu sheegay oo waa Tuke.!
Aabihi mar Sedexaad ayuu wiilkiisii hadana Su'aalay isla Su,aashii.?!
Wiilkii ayaa intuu Xanaaqay yidh " miyaad dhaga-culustay mise waad waalantay Imisa jeer ayaan kuu sheegay inuu Tuke yahay Aabo".!
Aabihi isagoo Samirka Badasanaya wiilkiisana wax wayn Dareensiinaya ayuu yidhi.
Wiilkaygiyaw ma ogtahay markii aad yarayd in aad i waydiisay 300 jeer isla Su'aashaa iyo waamaxay waxaasi.
Markastna aan kaaga jawaabi jiray anigoo is dajinaya, naxariisna kuu oo odhanaya Aabo waa Tuke.
!
Adna Sedex jeer ayaan ku Su,aalay oo aad ku xanaaqday kuna samri wayday.
xigmada ku jirta waxa weeye in samirka la badsado oo aan wax walba degdeg loga jawaabin.
Malaha Somaliland ayaa siyaabo badan ugu eeg wiilkaas iyo Aabihii wixiidhex maray............ Bal adba.!!
W.Q. Abdirashiid Muuse Aadan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!