Somaliland Oo Mar Kale Sheegtay Inaanay La Shaqaynayn Doonin Wadamada Xuduudaha La Leh Badda Cas

0
Wednesday January 08, 2020 - 09:06:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Mar Kale Sheegtay Inaanay La Shaqaynayn Doonin Wadamada Xuduudaha La Leh Badda Cas

    Hargeysa, (HWN) – War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, (HWN) – War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland

ayaa lagu sheegay in "Jamhuuriyadda Somaliland waxay si toos ah ugu celineysaa mowqifkeedii hore ee ahaa inay ka fiirsato oo aanay iskaashi la yeelan siyaasadaha, barnaamijyada iyo howlaha wadamada xubnaha ka ah Carabta/Afrika ee xaduudda la leh Badda Cas. Somaliland ayaa kasoo horjeesatay shir wasiirrada arrimaha Dibadda waddamada Kulaala Badda cas iyo Gacanka Carabtu ku yeesheen waddanka Sacuudiga.”



Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ku taagan tahay mawqifkeedii hore ee ahaa in aanay wax wadashaqayn ah la yeelaan waddamada iskakaashanaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ilaa inta la dafirayo xuquuqdeeda muhiimka ah.


"Somaliland waa dal madax bannaan dal kale uma daba fadhiisanayso Xuduudaheeda Badeed” ayaa lagu qoraalka.


Somaliland ayaa sheegtay in Xuduudeeda badeed oo dhererkeedu dhan yahay 850 KM ay ka ilaalisay in ay gabaad u noqoto Budhcad Badeeda iyo weliba Ururrada Argagaxisada. Shirka Sacuudiga ka dhacay waxa ka qayb-galay wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya.



Loading...
Loading...