Diyaarad Ay Saarnaayeen 180 Qof Oo Ku Dhacday Gudaha Iran

0
Wednesday January 08, 2020 - 08:47:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Ay Saarnaayeen 180 Qof Oo Ku Dhacday Gudaha Iran

    Warbaahinta dalka Iran ayaa kusoo warrantay in diyaarad nooceedu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dalka Iran ayaa kusoo warrantay in diyaarad nooceedu
yahay 737 oo ay saarnaayeen 180 qof ay ku burburtay meel aan ka fogeyn caasimadda Iran ee Tehran.



Wakaaladda wararka ee Fars ayaa kusoo warrantay in diyaaradan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee Ukraine ay burburtay waxyar un kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Imam Khomeini ee caasimadda Tehran.


Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ee shilka diyaaradda.

Wararku waxay intaa ku darayaan in diyaaradda ay kusii jeeday caasimadda Ukraine ee Kiev, ilaa iyo haddana ma cadda waxa sababay shilka diyaaradda iyo in ay la xiriirto xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran.


Kooxaha gurmadka degdega ayaa loo diray halka ay diyaaradda ku dhacday oo u dhaw garoonkii ay ka kacday.

"Diyaaradda dab ayaa qabsaday, kooxaha gurmadka degdeg ayaan halka ay ku dhacday u dirnay, waxaana laga yaabaa in aan badbaadino qaar kamid ah rakaabka," ayuu yiri Pirhossein Koulivand oo ah madaxa adeegyada gurmadka degdega oo la hadlayay warbaahinta dowladda Iran.


Madaxad hey'adda laanqeyrta bisha cas ee dalka Iran ayaa warbaahinta dowladda u sheegay "in ay adag tahay in qof uu ka badbaado "diyaaradda dhacday.

 

BBC

 

Loading...
Loading...