Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Somaliland Imanaya Iyo Ujeedada Uu U Socdo

0
Wednesday February 27, 2019 - 09:32:08 in News by Super Admin
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Somaliland Imanaya Iyo Ujeedada Uu U Socdo

    Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha maamulka soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la filayaa inuu socdaalkiisii ugu horeeyey ku yimaado somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha maamulka soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la filayaa inuu socdaalkiisii ugu horeeyey ku yimaado somaliland.

Madaxweyne Cagjar oo wakiil ka ah raysal wasaaraha Itoobiya ayaa la filayaa inuu ka soo qayb galo munaasibad ka dhacaysa magaalada Berbera oo lagu dhagax dhigayo waddada isku xidhaysa Berber ilaa Wajaale.

Madaxweyne Cagjar ayaa imanaya somaliland wakhti uu madaxweyne Muuse Biixi maalinta khamiista ah dhagax dhigayo dhismaha waddada Wajaale ilaa Berbera oo dhismaheedu ku jiray heshiiskii dhexmaray somaliand Imaaraadka.

Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa hore u sheegay in aanu hirgelin saamiga 19% ee maamulka dekedda Berbera laga siiyay dawladda Itoobiya sidaas awgeedna Somaliland iyo DP World oo kaliya ay leeyihiin shirkadda dekedda Maamusha.

Kadib kulankii Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ra’isal wasaare Abiy Axmed waxa uu xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya sheegay in arrimaha laga wada hadlay ka mid ahayd ka faa’iidaysiga dekeddaha taas oo u muuqata in Itoobiya dib u danaysay dekedda.

Geesta kale madaxweyne xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo dhawaan ka soo laabtay Imaaraadka ayaa la sheegay in uu qaaday farriin nuxurkeedu yahay in Imaaraadku fuliyo waxyaabaha Somaliland ka faa’iidaysay heshiisyada dekedda iyo Saldhigga oo ay ka mid tahay jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...