Manchester United Oo Ku Dhawaaqday Tababare Si Rasmi Ah Kooxda U Hogaamin Doona

0
Thursday March 28, 2019 - 17:11:25 in News by
  • Visits: 2239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United Oo Ku Dhawaaqday Tababare Si Rasmi Ah Kooxda U Hogaamin Doona

    Manchester United Oo Ku Dhawaaqday Tababare Si Rasmi Ah Kooxda U Hogaamin Doona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United Oo Ku Dhawaaqday Tababare Si Rasmi Ah Kooxda U Hogaamin Doona


Maamulka kooxda Manchester United ee dalka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday tababaraha sida rasmiga ah u hogaamin doona kooxdaasi.





Maamulka kooxda Man United ayaa sheegay in macalinkii sida ku meelgaadhka ah u hogaaminayey kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer laga dhigay tababaraha rasmiga ah ee kooxda, isaga oo maantana saxeexay heshiis sadex sano ah.


Macallinkaan 46 jirka ah ee u dhashay dalka Norway ayaa tan iyo marki sida ku meel gaadhka ah loogu dhiibay kooxda bishii December, waxa uu badiyay 14 kulan isaga oo hogaamiyey kooxda 19 kulan oo ka tirsan dhamaan tartanada kala duwan ee kooxdu ciyaartay.


Tababare Solskjaer ayaa xilka kala wareegay macalinkii hore Jose Mourinho ka dib markii shaqada laga eryey bishii December sanadkii hore.

Solskjaer ayaa Manchester United hore ugu soo ciyaaray muddo 11 sano ah. Waxaana lagu xasuustaa goolki uu ka dhaliyay kooxda Bayern Munich sannadki 1999-ki, kaasoo ay kooxda United ku qaaday koobka Kooxaha Horyaalada Yurub.

 

Loading...
Loading...