Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Hadashay Xaalada Caafimaad Ee Suldaanka Guud Ee Habaryoonis

0
Monday January 06, 2020 - 19:19:14 in News by
  • Visits: 4000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Hadashay Xaalada Caafimaad Ee Suldaanka Guud Ee Habaryoonis

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Hadashay Xaalada Caafimaad Ee Suldaanka Guud Ee Habaryoonis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Hadashay Xaalada Caafimaad Ee Suldaanka Guud Ee Habaryoonis


Addis Ababa(HWN):- Safiir Yuusuf Maxamud Guuleed ayaa shaaca ka qaaday inay aad u wanaagsan tahay xaalada caafimaad ee Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-Qani, Ilaahay mahadii, ducadii shacabka Somaliland-na Ilaahay aqbalay, isla markaana, raaciyey in wakhtiga uu ka soo baxayo Cusbitaalka, jawaabteeda ka sugaynaa dhakhaatiirta gacanta ku haya daawayn tiisa.




Safiirka JSL ee Itoobiya Amb. Yuusuf Maxamuud Guuleed oo maanta ka jawaabay su’aalo la xidhiidha xaalada caafimaad ee Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, oo weriye Maxamuud Walaaleye, hawlwadeenada Wargeyska Dawan, ku weydiiyey khadka Fariimaha ayaa sheegay inaanay xukuumada Somaliland kaalin ka qaadan daawayntiisa keliya, balse damaanad-qaaday guud ahaan, maalintii la keenay caasimada Addis Ababa, ilaa maanta-na Safaarada JSL ee Itoobiya oo kaashanaya ehelka Suldaan Maxamed garab-taagan tahay.


"Xaaladda Suldaanku aad bay u wanaagsan tahay. Ilaahay ducadii wuu aqbalay oo imika xitaa wuu fadhiisan karaa. Garashadiisu way joogtaa oo aad buu u fiican yahay, waxaanu helay daryeel caafimaad loo hagar-baxay, dawlad iyo ehelba.” Ayuu kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey xaalada caafimaad ee Suldaan Maxamed .


Kaalinta xukuumada Somaliland iyo Safaarada JSL ee Itoobiya ka geyteen la socodka daaweyntiisa & xaaladiisa guud ayuu yidhi,


"Dawladda JSL kaalin kaliya kumay lahayn ee guud iyadaa dammaanad-qaadday xaaladda caafimaad ee Suldaanka oo runtii ah nin Qaran oo dal iyo dad ba kaalin mug ah ku leh. Diyaarad caafimaad gaar ah ayay dawladdu kaga soo qaadday Hargeysa oo Addis Ababa lagu keentay. Maalintaa iyo maantana dawladdu way garabjoogtay. Safaaradda JSL ee Itoobiya oo kaashaynaysa ehelka Suldaanka oo iyana door muhiim ah qaatay, waxay kaalin mug leh ka ciyaareen daaweyntiisa, daryeel iyo duljoog intaba. Hadal markaan soo kobo, Suldaan Maxamed Qaranka Somaliland baa garabjooga, diyaarna u ah mustaqbalka Insha alaah.


Gebabegabdii, oo la weydiiyey wakhtiga ay filayaa inuu Cusbitaalka ka soo baxo, ayuu Safiir Yuusuf yidhi "Caafimaadku sidiisaba wuu soo raagaa, Ilaahay fadligiisa mooyee, mar kaliya wax soo booda maaha, sidaa darted, waxaannu ilaahay ka baryaynaa inuu inta u dhiman caafimaadkana degdeg u siiyo. Xilliguu ka soo baxayo Cusbitaalka, isagoo caafimaad buuxa Ilaahay siiyey, dhakhaatiirta ayeynu ka sugaynaa marka ay ku taliyaan, imika jimicsigii baa loo bilaabay oo u socda.

 

 
 
 
Loading...
Loading...