Wasiir Ka Tirsana Xukuumadii Siilanyo Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Muuse Oo Tacsi U Diray

0
Monday January 06, 2020 - 18:54:11 in News by
  • Visits: 5162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsana Xukuumadii Siilanyo Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Muuse Oo Tacsi U Diray

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumadii Siilanyo Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Muuse Oo Tacsi U Diray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadii Siilanyo Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Muuse Oo Tacsi U Diray


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Axmed Warsame, wasiirkii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee xukuumaddii madaxweyne Silaanyo oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 06/01/2020, magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka.



Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...