Mashruuca Uu Musuqu Hadheeyey Ee JPLG Oo Wajigiisii Labaad La Kala Saxeexday

0
Monday January 06, 2020 - 18:12:33 in News by
  • Visits: 1357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruuca Uu Musuqu Hadheeyey Ee JPLG Oo Wajigiisii Labaad La Kala Saxeexday

    Mashruuca Uu Musuqu Hadheeyey Ee JPLG Oo Wajigiisii Labaad La Kala Saxeexday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruuca Uu Musuqu Hadheeyey Ee JPLG Oo Wajigiisii Labaad La Kala Saxeexday

Hargeysa(HWN):-Xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland waxa maanta lagu kala saxeexday heshiiska mashaariicda maamul-daadejinta JPLG-da ee waxbarashada iyo caafimaadka ugu jira degmooyinka Hargeysa, Berbera, Boorama, Gabiley, Burco iyo Saylac oo sannadkan kusoo biirtay.
Image may contain: 7 people, people smiling, indoor

Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 5 people, people smiling, people standing

Kulanka lagu kala saxeexanayey bilowga hirgelinta mashaariicda maamul-daadejinta adeegyada Aas-aasiga ah ee waxbarashada iyo caafimaadka, ayaa waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxana kala saxeexday wasiirrada Horumarinta caafimaadka iyo waxbarashada Sayniska iyo maayarrada lixda magaalo ee mashaariicda adeegyada Aas-aasiga ah lagu daadejinayo ka masuulka ah.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo madasha hadal kooban ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday tallaabada lagu daadejinayo Adeegyada bulshada Aas-aasiga u ah iyo sida ay bulshadu uga faa’iidi doonto, waxana uu madaxda degmooyinka laga fulinayo ku adkeeyey inay dedaal iyo waqtiba geliyaan sidii ay mashaariicdaasi u guulaysan lahaayeen.
Image may contain: 4 people, people smiling, people sitting and indoor
Image may contain: 5 people, people standing, people sitting and beard
Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting
Image may contain: 2 people, people smiling

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna dhinaciisa shaaciyey inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta mashruucan maamulka lagu daadejinayo, islamarkaana ay kormeer iyo dabogal joogto ah ku samayn doonaan.
Mashaariicda maanta la kala saxeexday, ayaa ah qaar Lagu daadejinayo adeegyada Aas-aasiga ah, si dadweynaha loogu dhaweeyo adeegyada muhiimka, kaas oo hore uga socday degmooyin kooban, balse haatan ay kusoo biirtay degmada Saylac oo noqonaysa degmadii lixaad ee mashruucan laga fulin doono.
Loading...
Loading...