Bilowga Mashaariicda JPLG-da ee Sannadka Cusub oo Maanta La Kala Saxeexday
Hargeysa(HWN):- Xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland waxa maanta lagu kala saxeexday heshiiska mashaariicda maamul-daadejinta JPLG-da ee waxbarashada iyo caafimaadka ugu jira degmooyinka Hargeysa, Berbera, Boorama, Gabiley, Burco iyo Saylac oo sannadkan kusoo biirtay.
Kulanka lagu kala saxeexanayey bilowga hirgelinta
mashaariicda maamul-daadejinta adeegyada Aas-aasiga ah ee
waxbarashada iyo caafimaadka, ayaa waxa goob-joog ka ahaa
madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Ismaaciil (Saylici), waxana kala saxeexday wasiirrada Horumarinta caafimaadka
iyo waxbarashada Sayniska iyo maayarrada lixda magaalo ee mashaariicda
adeegyada Aas-aasiga ah lagu daadejinayo ka masuulka ah.
Madaxweyne-ku-xigeenka
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo
madasha hadal kooban ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday tallaabada lagu
daadejinayo Adeegyada bulshada Aas-aasiga u ah iyo sida ay bulshadu uga
faa’iidi doonto, waxana uu madaxda degmooyinka laga fulinayo ku adkeeyey inay
dedaal iyo waqtiba geliyaan sidii ay mashaariicdaasi u guulaysan lahaayeen.
Wasiirka
wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna
dhinaciisa shaaciyey inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta
mashruucan maamulka lagu daadejinayo, islamarkaana ay kormeer iyo dabogal
joogto ah ku samayn doonaan.
Mashaariicda
maanta la kala saxeexday, ayaa ah qaar Lagu daadejinayo adeegyada Aas-aasiga
ah, si dadweynaha loogu dhaweeyo adeegyada muhiimka, kaas oo hore uga socday
degmooyin kooban, balse haatan ay kusoo biirtay degmada Saylac oo noqonaysa
degmadii lixaad ee mashruucan laga fulin doono.
Hadhwanaagnews
Hargeysa/office